Somaliland-tii Abwaan Hadraawi doonayey tan aynu imika joogno waa laba kala duwan”Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland

“Markii dalka la xorreeyey, Somaliland tii aynu doonaynay iyo tii uu doonayey Abwaan Hadraawi ee uu maskaxda ku hayey laba kala duwan ayey noqdeen.
Tii aynu innaga doonaynay waxay noqotay tii markii aynu dalka xoraynay isku raac raacnay (Dagaaladii sokeeye) ee dhacay 1992-kii ee haddana dhacay 1994-kii waxay ahaayeen waxyaabaha ka soo dhaweeyey ee cimri dedejiyey maskaxdii uu shiilay ka sakow, waxyaabahaas ayaa ka mid ahaa. Wuxuu filayey Somaliland oo mid ah, dadka Somaliland oo mid ah, meel ka soo wada jeeda, nabadda iyo ictiraafka wada qaada, walaalo wada ah, unmada kale ee Islaamka ah ee hareerahoodana la walaalo ah.
Wuu Arki waayey. Waxaan u malaynayaa innagu Hadraawi ayeynu u barooranaynaaye inuu ka ducaystayba haddii uu arki waayey Somaliland-tii uu doonayey In aan Illaahay ku simin tan aynu maanta joogno ee aynu kabadhada isugu soo dhiganay cayda xiqdiga iyo buqdiga. Illaahay waxaan ka baryayaa In marxuum Hadraawi Alle u naxariiisto, Innaga boggeenna burcad isu mariyo, oo aynu doono Somaliland-tii uu doonayey oo ah Somaliland nabadda ah, walaalowda, arrimaheeda ku xalisa miiska dushiisa, oo collaad iyo dagaal sokeeye ka caaggan.”
May be an image of 1 person