Somaliland waa wada Xaaji Cabdi-Waraabe ee Cid wax ka maqashay waayeen!.

Wakhtigii uu jiray Xisbigii Udub, Madaxweynahana uu ahaa Mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa maalin hudheelka Caalamiga ah ee Maansoor ee Hargeysa shir ka dhacaayey waxa ku kulmey Illaahay haw naxariistee Xaaji Cabdi-Kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) iyo Gudoomiye ku xigeenkii Kulmiye oo markaa ahaa Madaxweynaha hada ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Waxa ay ahayd wakhtigii uu Xisbiga Kulmiye  Kursiga uu u hamuum qabay, una xamaasadaysnaa, goobtaa waxa ka hadlay dad door ah, laakiin goobtaa waxa uu Muuse Biixi u tiraabay si aad moodo ciil-qabeen, cadhaysan, waayo Weedhaha qalafsan ee taag taagan ee deelqaafka ah, ee uu hawada u marinaayey Madaxweyne Daahir Riyaale awgood, wuxuuna si Xajiimayn catow ku ladhanyahay uu sii duray Xaaji Cabdi, odhaaho nuxurkoodu ahaa Madaxweyne Daahir ha taageerin ee ka ag gooso iyo kaalay nala Rid oo nala safo oo nala mucaarad, iyo Hadalo naxli leh oo aan haboonayn ayuu Mudane Muuse Biixi goobtii ka mariyey,
Illaahay ha u naxariistee Xaaji Cabdi ayaa ugu jawaabay si degan oo dadban oo u sheegay in uu yahay Oday samo talis ah oo aanu ahayn siyaasi, sidoo kale Dawlad in aan oday u noqdo oo saxo oo qabto oo toosiyo mooyee waligey umasoo wajaho iska hor imaad, weedhaydana gunud oo goobta haduu guule idiin taabgeliyo i arka, suu xaajigu u raaciyey isaga oo u duur-xulaaya hadalka xushmada ka gudhan ee Muuse goobta ka meriyey, isaga oo xaajigu ku duraaya in wax la xeeriyo oo lays xurmeeyo, ayuu Xaaji Cabdi u raaciyey, in Muuse  aan ahay Abtigii wuu Ogyahay se in Muuse Abtigay isna uu yahay malaha ma garawsana?!,  Shidanaaba shiddan Muuse Biixi odhaahdii Xaaji Cabdi kumay duxin waayo intii Xaaji Cabdi hadlaayey intuu isaga sida dadban ugu tiraabayey iyo intuu Golaha la hadlaayeyba dadkii goobta joogay qosalbay dibnaha faydeen, se Muuse Afka inuu kor u taago mooyee ilkaha marna muu qayixin, Malaha xaajigaanu fahmahayn?!.
Hadal iyo dhamaan Jamhuuriyada Somaliland waa wada Xaaji Cabdi-Waraabe ee Kornayl Muuse Biixiga siisocda iyo Kornayl Maxamed Kaahinka soo Xaydxaydanayaa waa Askar oo Dumuqraadiyada waa ka Agno, Afka dhaqanka ee Odayaashuna ku duximaayo, Culimadana warkeed daa’, ee Malaha Qumac iyo Rasaas iyo afkii Askarta in lagula hadlay rabaan?!. 

Illaahay baa Mahad leh 

Midnimana Somaliland 

Fuad Fartaag
Fartaagmuwaadin@gmail.com 

 

 

 

Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani waa fikrada qoraha kor ku xusan