Somaliland Waxa Ay Rabtaa Dib U Xorayn Lagaga Xoraynayo Dad Aan Horay U Ahayn Xoreeyayaal Ee Ahaa Xoraystayaal .

Waxa qoray fariintan Maxamed Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.
“Waxa Maalintii Afaraad Xidhan Muj Cabdillahi Maxamed Daahir Oo Ka Mid Ahaa Dadkii Ka Qayb Qaatay Halgankii Dib U Xoraynta Somaliland Oo Waqtigaasi Gashay Ama Ku Jirtay Gacan La Mid Ah Ta Ay Maanta Somaliland Ku Jirto Oo Macnaheedu Noqonayo Somaliland Waxa Ay Rabtaa Dib U Xorayn Lagaga Xoraynayo Dad Aan Horay U Ahayn Xoreeyayaal Ee Ahaa Xoraystayaal .
Mujaahid Iyo Masuul Horay Uga Soo Qayb Qaatay Xoranytii Iyo Geedi Socodkii Dhismaha Somaliland Hadii Uu Mudo Intaas Leeg Xidhaan Karo Maxkamad Iyo Eedlaan Waa Sidee Xaalka Kuwa Aan Codkoodu Meel Fog Gaadhi Karahayni.
Waxa Qofka Tacabka Intaas Leeg Somaliland Galiyay Loodiiday In La Booqan Karo Iyo In Xitaa Wax Loo Gayn Garo Iyadoo Dhamaan Goobihii Kala Duwanaa Ee Lagu Xidhay La Keenayay Dad U Adeega Taliska Oo U Fuliya Sharcidarada Uu Taliska Maalmaha Koobani U Hadheen Wato.
Aabo waad ku mahadsantahay halgankaagii hore balse waxaan kaa codsanaynaa inaad markale nagala xorayso taliska haya tubtii talisyadii hoogay.”