Writen by Qaran News |

Hees baa odhan jirtay rugtii dulin kaaga kaco degmada waa laga raraa hadaad sii dugaashatana waa adiyo doqoniimadaa, murti kale ayaa lahayd

Hadii awr karabaashkiisa cuno kebedna loo waayo
Kud hadilo e maalinta danbuu kurusku hoolmaaye
Hadii guri dhurwaa leeyahuu dhicista dayn waayo
Dhanad uga rartaba reerka waa laga dhaqaajaaye
Hadaad dhabar adayguun tidhaa waad ku dhacantaa
Dhaleecoba markay soo baxdo baa lagaga dhiijaaye
Hadii nabar afkuun laga dhayo dhidhina hooseeyo
Bogsan maayo muusow hadaan hoosta loo degine

Derbi adag dhismihi aan lahayn deyr wax celinaaya
Dabayshiyo ufaa qaada iyo daadka soo gala’e
Daxal baa xadiid cuna birtii duubanee adage
Derejada waxaa taa la mida ama la diidaynin
Dhaqankiisa ruuxii dayacay ee mid kale doontay
Inuu yahay dawacadii xarago diiday socodkeeda
Ee weydey kay doonaysaye daashey keligeede
Aduunyadan dariiqiyo jidkii dawgi laga leexshey
Aduunyadan xumaha loo diree samihi loo diiday
Aduunyadan dulmiga lagu korshee daacadii dhimatay
Aduunyadan waxaan damac lahayn derejo loo yeelay
Qofkastaaba darayguu is dhigo daalac iyo naasil
Dumadiisa weeyaan wuxuu dib ugu aayaaye
Dhalanteedkan lagu daatayee derejo qaar moodey
Dibindaabyo weeyaan hadaan laga digtoonaane
Diiwaanka taariikhda iyo duuga dhaxalkiisa
Hidahiisa ruux diidayow dayasho waa ceebe
Waxaan odhan lahaa Muse Bixi manta adigaa illaahy (sw) masuuliyada dalka ku saaray hadii aanad lahayn nin qoyani biyo iskama dhowro oo wax aad isku og tahay aanad lahayn illahay (sw) meeshuu doono ha ku geeyee iskaga jir dhooqada, hadii inuun dux iyo damiir iyo rajo aad ka qabto caruurtaada iyo caruurta S/land inuun waxaa inagu soo batay mukhaadaraadka siiba maan dooriyaha Xashiishada , Khmariga , Oo Qaadkiiba baro dheereeyey,
Image result for khamriga ciidanka somaliland qabteen sawiroImage result for Qaadka sawiro
Muse Bixi hadaad illahay (sw) ka cabsanayso u naxayso ubadka aad dhashay ee kaa danbayn doonta uga tali cawaaqib xumada ku soo fool leh waxaa dawlada aynu jaarka nahay ee la leeyahay walaalaan nahay anigu garan maayo qof cadowga reer kaaga ah oo la walaashado balse dhaqaale ahaan iyo caqli ahaanba inoola dagaalamaysa ee ethoipia waxay si arxan daro ah u keentaa Khamri, Qaad , iyo xashiishad si dhalinta waddanka loo baabiiyo jiilasha soo korayana loo tir tiro.
Image result for xashiishada boliska somaliland qabteen sawir
Maan dooriyaha loo yaqaan mariwanada ayaa isna ah mid si xawli ah loo soo geliyo waddanka balse boliska oo aan u carbisnayn la dagaalanka maan dooriyeyaasha baadhistooduna ku xidhan tahay laaluush la siiyo askarta oo aan mushahrkoodu ku filayn ayaa kelifaya in uu si hawl yar u soo galo iyo shuruuc adag oo Wasiirka diinta iyo awqaaftu ka soo saaray cida lagu qabto isagoo wasiirku la seexday wasaaradaa.
Hadaba waxaan ku baraarujin lahaa waalidiinta dhinac walba daad baa idiinka soo galay Qaadkii saleelo dadka waaweyn ee Qayila weliba aabe yaasha waxaan odhan lahaa joojiya oo caruurtiina u tashada ogaada meesha ay marayaan saaxibadood waxay sameeyaan waddankiinana cadow baa faro baas ku haya ee digtoonaada,

ENG ABDIRAZAK Y MAXAMED