Somaliland waxay taagan tahay isgoys khatar weyn

Somaliland waxay taagan tahay maanta isgoys aad iyo aad u khatar badan.Isgoyska waxa ka baxaya 4 Wado,oo mid waliba jaho gooni ah u socoto,way kala khatar badan yihiin,sida hadda wax u socdaana ma jirto qof

saadalin karta ,4taa dariiqa kay Somaliland raaci doonto iyo cida ka saaraysa midna.4taa dariiq waa :-

1. DOORASHO heshiis lagu yahay,waqtigeeda iyo nooca ay tahay mucaarid iyo muxaafba,waana dariiq aad u fiican,waa dariiqii aynu hore ugu soo nabad iyo caano maalay.

2. AYNU ISKA KALA TAGNO.,Reer waliba Deegaankii ha maamusho,wixii ILLAHAY ka siiyana ha ku kalsoonaado,cashuur-khayraad kay doonto.Haddii Dooraho lagu heshiin waayo,waa dariiq lagu kala nabad geli karo,dhibna kama jirto,waa deris wanaag iyo wada noolaasho.

3. WAA AYNU ISDILO,waa dariiq aad u dhib badan,cidna dani uguma jirto,waa kaa dhimay iyo kugu dhimay,waa burbur naf iyo maalba leh, waa dariiq aad u fool xun.

4. AYNU IS GUMAYSANO,waa aynu kala adkaano,waa aynu isu xoog sheegano,waa in ay ogolaataa cidii laga xoog bato,in la gumaysto,ceebna maaha in lays gumaysto,kii Ingiriiskaba waynu soo marnay. Waa dariiqa Jabhadaha iyo gobanimadoonka.

Hadal iyo dhamaan waa laga yaabaa in aad dhibsato qoraalkayga,laakiin markaa dhinac walba ka eegay,wax badan dhegaystay,akhriyey waxaa ii muuqatay in aanay jirin wado kale oo inoo banana,haddii aynu reer Somaliland nahay maanta,ee saaxibayaal mid inoo doora amase dariiqee inagu haboon in aynu maanta raacno?,haddii aad dariiq kuwan ka duwan aad haysana ii soo sheeg,waa wax fiicane!!

ALLAA. MAHAD LEH

Amb. Mingiste