Writen by Qaran News |

Somaliland waxay u dabaal dagaysaa sanad guuradii 29 aad, ee ka soo wareegtay markii lagu dhawaaqay in ay shacabka Somaliland dib ula soo noqdeen xoriyaddii ka lunta 60kii, markii ay si ka fiirsi la’aan ah ula midoobeen Somaliyadii talyaanigu gumaysanayay.

.

Hadaba inkasta oo ay Somaliland muddaa 29sanadood ah ee ay jirtay ay gaadhay guulo badan oo wax ku ool ah, islamarkaana ay ka soo gudubtay marxalado badan oo duruufahooda iyo waayahooda lahaa, hadana waxa wali horyaala caqabado badan oo lugta jiidaya horumarka ay shacabka Somaliland ku riyoonayaan, ku waa soo leh kuwo bulsho, kuwo dhaqaale iyo kuwo siyaasadeedba.

Waxyaalaha ugu mudan ee aynu maanta tabayno waxa ka mid ah, aqoonsi caalami ah oo aynu dunida ka helno, kaa soo fure u noqon lahaa xidhiidh dubla-maasiyadeed iyo mid dhaqaale oo aynu dunida la wadaagno.

29sanadood oo aynu jirnay waxaynu xukuumad iyo shacabba dadaal badan galinay sidii aynu aqoonsi caalami ah uga heli la hayn beesha caalamka, sidoo kalena waxaynu u soo dhabar-adaygnay hagardaamooyin badan oo inagaga imanayay koonfurta Somaliya iyo wadamo kale oo cadow ku ah qadiyada madaxbanaanideena.

Hadaba maanta oo laga joogo 29 sanadood markii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshadii xoriyaddii luntay 60kii, waxa wali inna sugaysa hawl badan oo u baahan in aynu dadaalka sii libin-laabno, islamarkaana aynaan ka niyad jabin caqabadaha iyo culaysyada innaga hor imanaya ilaa inta aynu ku guulaysanayno yoolka aynu higsanayno.

Waxa sidoo kale inala gudboon in aynaan ka daalin hadafkii iyo ujeedadii aynu ka la hayn dib ula soo noqoshada xoriyaddan qiimaha badan innagu joogta.

sideedaba ma jirto guulo ay aadamuhu ku gaadheen fadhi iyo kada-loob, waxa se guul kasta oo laga midho dhaliyay ku timid han iyo himilo durugsan oo ay la socoto hal-adayg iyo hawlkarnimo joogto ahi.

Waa xaqiiqo in ay kooban yihiin guulaha aynu gaadhnay marka la eego 29sanadood aynu jirnay, waxa se arrintaa u sabab ah, bulshadeena oo aan wali u bislayn nidaamka dowliga ah iyo horumarka ay bulshooyinku ku gaadhaan wadajirka iyo iisku-tiirsanaanta, taa saana sal u ah gaabiska ka muuqda koboca dowladnimo ee aynu sugaynay.

Dhibaatooyinka maanta lugta jiidaya habsami-usocodka nidaamka maamul ee aynu dhisaynaa, waxay intooda badani ku aroorayaan aragtida qabaliga ah ee ay bulshadeenu kala soo hayaantay noloshii reer guuraaga iyo geellayda ahayd.

Sida ay xaqiiqdu tahay, bulsha ahaan kuma abtirsano xadaarad iyo ilbaxnimo hore oo aynu dib u raad gurno. Sidoo kalena ma nihin bulsho u dhaga-nugul ama u hogaansanta qaadashada awaamiirta la faro.

Gun iyo gabo-gabadii waxaan hoosta ka xariiqayaa in howsha ugu weyn ee bulshadeena u taalaa ay tahay, sidii loo naafayn lahaa aragtida qabaliga ah ee bulshadeena ku dhex faaftay, taa soo sabab u ah dib dhacyo badan oo inagu gadaaman, islamatkaana leh kuwo maamul, kuwo dhaqaale iyo kuwo bulsho.

Waxaana qabyaaladdaa aafada innagu noqotay, naaxinaya kooxo ku adeegta kala irdhaynta iyo kala qaybinta shacab walaalo ah, oo noloshu mataanaysay.

Cumar Axmed Cali

cumaraxmed331@gmail.com