Writen by Qaran News |

Somaliland: Xisbi La’aanta Deegaanda Darafiyadda iyo Dadka laga Tiro-badan yahay
Doorashada Somaliland ee inagu soo fool leh, waxay u soo muuqdaan kuwo aan samayne doonin wax cusub ama isbedel ah. Waxaa ka muuqan doona ceebihii ka muuqday kuwii hore. Maxay yihiin ceebahaasi? Ma ah wax-is-dabamarin, ma aha ku shubasho, ma ah tuugo iyo khiyaamo, laakin waa mid intaaba ka weyne. Waxaaynu wada ognahay in xisbiyada wadanka laga bilaamay doorashadooda ay ku salayan yihiin oo keliya Degaanada dhexe ama haddii aan si kale u yidhahaddo meelaha dhexe (ma aha Beesha dhexe). 2002 waxaa dalka laga diwaan-geliyey ururu-xisbiyeedo oo tartan aan ku dhisnayn si cilmaysan, ay ku soo baxeen 3 xisbi sida uu dhigayo Dastuurku, waxaa tartanka ku soo baxay Xisbiga UCID, UDUB iyo KULMIYE, saddexdda (3aad) xisbi waxaa ay hog’aankoodu ahaayeen niman ka soo jeeda Degaanda Dhexe.
Waa ceeb aad u weyne haddii aysan jirin Somaliland xisbi ka sharaxan ama gadhwadeen ka yihiin Degaanada Darfyadu ama dadka laga tiro-badan yahay, shaygga cadaalada la yidhahda waa mid aad u mug weyne, waxaa asal u ah in qof kasta ama koox kasta ay hesho, sinnaan, cadaalad iyo waxay xaq u leeyihiin, ama in ay helaan waxay baahida u qabaan. Bulsho kasta oo addunkan korkeeda ku uumani waxay horumarkeedu ku yimaada sida ay u qabsadan, awooda, hantida iyo fursadaha jira. Haddii awood qabsigu ummada ama wadan uu ka xumaado wuxuu dhaxalsiiya, nacaybshiyo, kala foggan, iyo ugu danbaynta colaad. Doorashadu in ay ku salaysnaato cadaalad waxaa ka aabo ah, in bulshooyinka kala gedisan ee wadanka degani ay ka muuqdaan hog’aanka xisbiyadda dalka.
Waxaa xukumadda dalka ka talisa waajib ku ah in ay maalgeliso bulshada Deegaanada Darfiydda si ay u helaan fursad ay ku furtaan karaan xisbiyo, dawladu waa in ay la timaada nidaam ay ku dheerigelinyso Deegaanada Darfyada in ay ku dhiiradaan in samaystaan xisbiyo, taasi oo keeni karta in Deegaanada Dhexena ka mid noqodaan xisbiyadda Deeganada Darafyaddu furnayaan. Arrintaasin ay keeneysa is dhexgal siyaasadeed oo furfuran, waxay taasi yareyn kartaa in xisbiyaddu ay ka baxaan gacanta shakhsiyaada, mid beeleed, iyo mid ku danaysi nin iyo koox beelaysan.
Marka la leeyahay waa nidaam demoqradi ah, macanaheeda asalka ah waa lahaanshaha bulshadu ay leedahay doorasho salka ku haysa bulsho kala-duwan (kala-duwanshuhu wuxuu noqon karaa kala qabiil ah, kala-dhaqan ah, iyo kala-asal ah), wallow, Somaliland tahay ummad wada-dhal ah ama wada-dhashay, kiisa jooga cidhifka bari ilaa ka jooga cidhifka galbeed.
Dimqradiyaddu ma ah in dadka tirada badani ay wax kasta qaataan, kuraasta golayaasha, madaxdda xukumadda sida madaxweyn, iyo dhamman awoodaha dalka, waxaa waajib ku ah dadka xukumadda hog’aankeeda hayaa in ay abuuraan saaxad mu’waadin kasta oo wadanka u dhashay uu ku helo inuu ku muujiyo kartidiisa iyo xirfaddiisa dabiicigga ah (abilities and talents), oo si mug leh u iftiim karo xuquuqdiisa qofnimo sida in si xoriyad ah loo doorto, isaguna wax dooran karo, xuquuqdiisa ama xoriyadda cabirida fikirkiisa gaarka ah si nabadgeliyo ah, xuquuqdiisa ama xoriyddiisa isabaabulka iyo kulanadda gaarka ah.
Somaliland waxay ku caano-maashay ismaqalka, isu tanaasulka, istixgelinta iyo dhaqan wanaagsan ee ay dadka reer Somaliland ka dhaxleen dadkooddii hore, taasi ayaa keentey in markii dal-weynihii la odhan jirey Somalia xukunkiisi burburay ay dadka reer Somaliland dib u hantiyaan xukunkoodi si nabadgeliyo ah.
Si dimoqradiyada Somaliland u hanoqaado oo dawladnimada Somaliland u buuxsanto, waxaa lagam maarmaan in la helo madxweyne doorasho ku yimid oo xisbi ka mid ah xisbiyada Qaranka ee ka soo jeeda ama ay leeyihiin Deegaanada Darfiyadu. Waxaa la huba in Deeganada Darfiyada iyo dadka laga tiro-badan yahay ee reer Somaliland keeni karaan wax aysan keeni karin, beelaha Degaanada Dhexe, haddii aan si kale u yidhahado, wax uusan keeni karin ninka ka yimid Hargeysa, Burco iyo Berbera ayaa uu keeni karaa ninka ka yimid Lasqoray, Saylac, Buhoodle, lascaanod, Taleex, Boon, Bucame, Xariirad iyo Baki.
By Osman Awad