Soo-jeedinta Mudaharaadka Biyo la’aanta : Cadaaladda Biyaha Hargeysa & Codadka Aamusan

Waa laba qoys oo midkiiba ka kooban yahay 7 qof kuwaas oo ku kala nool laba degmo oo magaalada Hargeysa ka tirsan. Labada qoys dhaqaale ahaan way isku dhigmaan waxay se ku kala duwan yihiin ilaha ay biyaha ka helaan. Midbaa hela biyaha wakaalada Hargeysa ka kalena waxaa u dhaamiya Booyad ama dameer. Labaduba waa cashuur bixiyayaal.Waxay bishii cabaan xaddi biyo isku mid ah oo u dhigma 10m3 hasa ahaatee waxay bixiyaan lacag aad u kala fog taas oo midkood bixiyo lix goor laab inta ka kale bixiyo. Sawirka foosha xun ayaa ah in bilaa biyaha ah (qasabad aan lahayn) inuu yahay ka bixinaya lacagta badan u dhigmaysa $82 (10m3 ×8.2) halka ka biyaha wakaalada helaana uu bixiyo $15(10m3 x$1.5).
Waxaa xusid mudan in qoyska bilaa qasabada ah lacagta badan bixiya uu hadana yahay kan caba biyo aan nadiif ahayn oo ku sababa xanuuuno kala duwan oo iyaguna daawayntooda ay tahay inuu iibsado hadiiba uu kari karo amaba uu iskala daalaa dhaco xanuunka. Marar kale qoyskani wuxuu, haddii uu karayo, iibsadaa biyaha sifaysan oo uu u isticmasalo cabitaanka oo iyaguna kharashkood wata.
Sida dhabta ah qoyska bilaa wakaalada ahi wuxuu sameeyaa inuu aad u koobo biyaha uu cabayo oo aanu dhaafinba 5m3 bisha dhan halka kii qasabada lahaa, biyaha nadiifta haystay, kharash ahaan lix goor ka jabnaa uu bishii isticmaalo biyo aan ka yarayn 50m3 taas oo 10 goor ka badan xaddiga qoyska kale bishii isku koobay.
Xaalada noocan ah ayuu Xisbiga Kulmiye ugu yimid magaalada Hargeysa 12 sano ka hor waxaanu kaga tagayaa iyadoo ka sii dartay ama sidii uun ah. Sababtuna waxaa weeyi madaxwayne kasta oo dalka soo maray iyo maareeye wakaaladeed kasta oo soo qabtay hogaanka wakaaladu wuxuu magaalada kaga nool yahay dhanka qasaba leh, caba biyaha nadiifta ah, bixiya kharashka yar isla markaan caba biyaha badan.
Intee in le’eeg ayay labaddan qoys isku sii dul dulmanayaan iyagoo isku cashuur bixiya isla markaana isku xuquuq uudistoorku u sugay. Intee in le’eeg ayaa loo sii dulqaadan karaa cadaaladda darrada intee le’eeg ee xukuumada Kulmiye ku kacday ee waliba lunday $70 milyan oo loo qoondeeyay in lagaga baxo xaaladan? Intee in le’eeg ayaa la sii aamusnaanaya? Suurtagal se ma tahay in sanadkii maalin aynu u astayno “Maalinta Biyo la’aanta Hargeysa” oo si salmi ah iskugu soo baxbo Wakaalada Biyaha iyo Madaxtooyada si aan u dhacsano xuquuqdeena “Helista Biyo nadiifa, inagu filan, isla markaana bilaash ah ama jabban”.
Allaa Mahad leh
Xamse C. Khayre