Soomaali ka mida Garsooreyaasha ka garnaqeysa Dacwadda ka oogan Natiijada doorashada madaxweynaha Kenya

Garooseraasha Maxkamadda ugu sarreysa Kenya

Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa maanta si buuxda u billowday dhageysiga dacwad uu u gudbiyay hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga, oo kasoo hor jeestay in doorashadii madaxweynaha uu kaga guuleystay William Ruto.

Qareennada u doodaya Odinga ayaa gudbiyay dooddoda, waxaana maalmaha soo socda socon doona dacwaddan sida weyn isha loogu hayo.

Toddobo garsoore oo go’aan ka gaari doona kiiska waxaa ka mid ah Maxamed Ibraahim.

Doodda Raila Odinga

Waxa uu ku doodayaa in isdaba-marinta doorashada uu sheegay ay ahayd “mid la sii qorsheeyay, sharci darro iyo dambi ah”.

Sidoo kale wuxuu Gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC Wafula Chebukati ku eedeeyay inuu ku lug lahaa qorshaha lagu xaqiijinayo natiijo been abuur ah.

Wuxuu sheegay in qorshahan uu ahaa mid uu ka warqabay Ruto balse ma uusan soo bandhigin cadeymo lagu xoojinayo arrintan.

Waxay arrintan dhalisay su’aalo ku saabsan habka xisaabinta.

Waxa uu sheegay in ay jiraan cadeymo muujinaya in natiijadii ka soo baxday goobaha cod bixinta qaarkood wax laga bedelay.

Waxa uu ku doodayaa inuu jiray musuq hareeryay isku darka iyo tirinta codadka si Ruto uusan u gelin wareeg labaad oo ku celis ah.

Haddaba waa kuwee garsooreyaasha dhageysan doono dacwaddaasi?

1: Garsoore Martha Koome: Guddoomiyaha Maxkamadda ugu Sareysa

Iyada oo ku fadhida kurisiga Garsoorka iyo Maxkamadda ugu sareysa Kenya, ayaa waxay shaqadeeeda ugu weyn tahay isku xirka Garsoorka iyo laamaha kale ee dawladda.

Justice Koome waxa ay shahaadadeeda sharciga ka qaadatay Jaamacadda Nairobi halkaas oo ay ka qalin jabisay sannadkii 1986 ka hor inta aanay horay u sii gudbin kulliyadda sharciga ee Kenya sannadkii xigay.

Sannadkii 1988-ddii waxa ay samaysatay xafiis sharciyadeed oo gaar ah, ka dibna waxa ay ku biirtay Hay’adda Garsoorka dowladda sannadkii 2003-dii, waxaanay ka hawl-gashay xarumo kala duwan, Xilligaas waxay sidoo kale xubin ka noqotay  Golaha Ururka Sharciga ee Kenya (LSK).

Sannadkii 2010-kii ayay waxay ka qalin jabisay Jaamacadda London halkaas oo ay ku dhameysatay shahaadada Masterka ee Sharciga Caalamiga ah ee Dadweynaha.

Sannadkii 2011, waxaa loo dalacsiiyay Maxkamadda Racfaanka, bishii Sebtembar isla sannadkaas, waxaa loo doortay Guddoomiyaha Ururka Garsoorayaasha Kenya.

7-da garsoore ee dhageysan doonto dacwadda

2: Philomena Mwilu: Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda ugu Sareysa

Garsoore Philomena Mwilu waxa uu muddo 33 sano ah ka shaqaynaysay Garsoorka Kenya.

Waxay ka qalin jabisay Jaamacadda Nairobi waxaana loo ogolaaday inay ka mid noqoto Maxkamadda Sare ee Kenya sannadkii 1984 ka hor intaysan ku biirin xafiiska shirkadda gaarka loo leeyahay ee qareennada ee Mutunga & Company Advocates halkaas oo ay ku shaqeysay sharciga.

Waxaa loo dalacsiiyay maxkamadda rafcaanka bishii Noofambar ee 2012-kii waxayna halkaasi joogtay ilaa looga magacaabo Ku-xigeenka Guddoomiyaha Maxkamadda ugu sarreysa Kenya sannadkii 2016.

3: Maxammed Ibrahim: Garsoore

Garsoore Maxammed Ibrahaim oo Soomaali ah waxa uu garsoore ka yahay Maxkamadda ugu sarreysa ee Kenya tan iyo 2011-kii.

s
Garsoore Maxamed Ibraahim

Shahaadada koowaad ee sharciga waxa uu ka qaatay Jaamacadda Nairobi,waxana la galiyay Diiwaanka qareenada  bishii Janaayo 11, 1983-dii.

Ka dib waxa uu ku biiray xafiiska sharci yaqaanada ee Messrs Waruhiu & Muite halkaasi oo 1985-tii uu ka mid noqday saamileyda xafiiska.

1994-tii, waxa uu aasaasay Maxammed Ibrahim & Associates, kaas oo uu markii dambe balaariyay oo uu ka dhigay Ibrahim & Isaack Advocates sannadkii 1997kii.

Waxa uu soo noqday xubinka tirsan golaha Ururka Sharciga Yaqaanada Kenya.

Wuxuu sidoo kale  xubin ka noqday guddiga hay’ad aan dowli ahayn oo dhanka Sharciga taas oo loo soo gaabiyo (LEAD).

Garsoore Ibraahim waxa uu si firfircoon ugu lug lahaa u doodista xuquuqda madaniga ah markii uu soo baxay dhaq-dhaqaaqa dimuqraadiyad doonka ee Kenya waxaana la xiray iyada oo aan maxkamad la horgeyn sannadkii 1990-kii.

4: William Ouko: Garsoore

Wuxuu soo ka soo noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka tan 2018.

Garsoore Ouko waxa uu leeyahay khibrad 34 sano ah oo dhanka sharciga ah isagoo ka soo shaqeeyay shaqooyin kala duwan.

Waxa uu 1986-kii Jaamacadda Nairobi ka qaatay shahaadada koobaad ee sharciga, halka uu 1987-dii shahaadada Diploma ee sharciga ka qaatay kulliyadda sharciga ee Kenya ka hor inta aan isla sannadkaas la gelin diiwaanka sharci yaqaanada Kenya.

Sannadkii 2002-dii, Garsoore Ouko waxa loo dalacsiiyay inuu noqdo Diiwaan-hayaha Maxkamadda Sare iyo Sarkaalka Xisaabaadka ee Garsoorka.

2018 waxaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka halkaas oo uu xilka hayay ilaa Juun 11, 2021.

s
Garsoorayaasha ayaa sanaddii 2017-ka amray doorasho ku celis ah kadib markii Raila geeyay dacawad

5: Dr. Smokin Wanjala: Garsoore

Waa Garsoore ka tirsan Maxkamadda ugu sarreysa ee Kenya kadib markii la magacaabay inuu ka mid noqdo sannadkii 2011.

Garsoore Wanjala waxa uu haystaa shahaadada koobaad ee sharciga isagoo ka qaadatay Jaamacadda Nairobi.

Justice Wanjala waxa ay soo noqday bare sharciga isagoo jaamacada Nairobi dhigayay 19 sannadood laga soo bilaabo sannadkii 1986-dii.

Ka dib waxaa loo magacaabay Kaaliyaha Agaasimaha Guddiga La-dagaalanka Musuq-maasuqa ee Kenya (KACC) bishii Oktoobar 2004-tii, halkaas oo ay joogay illaa 2009-kii.

6: Isaac Lenaola: Garsoore

Garsoore Lenaola waxa ka mid yahay garsooreyaasha maxkamadda ugu sarreysa gaar ahaan waxa uu qaabilsan dhanka Dastuurka iyo Qaybta Xuquuqul Insaanka.

Mr Lenaola waxa uu shahaadada koowaad ee sharciga ka qaatay Jaamacadda Nairobi sannadkii 1990-kii.

Sannadkii 2013-dii waxa loo magacaabay Garsoore ka tirsan Maxkamaddii Gaarka ahayd ee Siiraaliyoon.

Ilaa looga soo magacaabayay Garsooraha Maxkamadda ugu Sarreysa, Garsoore Lenaola wuxuu ahaa Garsooraha Garsoorka ee Waaxda Dastuurka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Maxkamadda Sare ee Milimani.

 7: Njoki Ndungu: Garsoore

Waxay ka mid tahay garsooreyaasha Maxkamadda ugu sarreysa Kenya.

Justive Ndun’gu wxay haystaa shahaadada Masters ee sharciga (LL.M) ee Xuquuqda Aadanaha iyo Xoriyadda Madaniga ah. Waxay kaloo haysataa shahaado xagga Xuquuqda Haweenka.

Waxay shahaahda koobaad iyo tan labaad ka qaadatay sharciga  ee Xuquuqda Aadanaha iyo Xoriyadda Madaniga ah. Waxay kaloo haysataa shahaado xagga Xuquuqda Haweenka.

Sannadkii 2006-dii, garsoore Ndung’u waxa la guddoonsiiyey Shakhsiga Sannadka ee Qaramada Midoobay ee Kenya iyo Guddiga Caalamiga ah ee Sharci-yaqaannada – Abaalmarinta Garsooraha Sanadka.