Soomaali ka qeyb gelaya Koobka Adduunka ee sanadkan ka dhacaya Qadar 2022,Dalku u ciyaarayo+Xoggo kale

Akram Cafiif

Tartanka Koobka Adduunka ee afartii sano hal mar la qabto ayaa dabayaaqada sanadkan ka dhici doona waddanka Qadar. Waxa uu noqon doonaa mid xiiso gaar ah u leh Soomaalida, maaddaama ciyaartoyda qeybta ka noqon doonta uu ku jiro wiil Soomaali ah.

Sida caadiga ah waddan kasta oo martigelinaya ciyaaraha Koobka Adduunka waxa uu liiska kooxaha ciyaaraya kusoo galaa si toos ah oo aan shuruud ku xirneyn, halka dhammaan dalalka kale ay ku imaadaan isreeb-reeb.

Xulka qaranka ee Qadar ku matali doona tartanka waxaa ka dhex muuqda ciyaaryahan kasoo jeeda Soomaaliya, horayna aabihiis uu uga tirsanaan jiray xulka qaranka ee Soomaaliya.

Akram Xasan Cafiif ayaa xitaa lagu tilmaamaa in uu ka mid yahay ciyaartoyda laf dhabarka u ah xulka qaranka ee Qadar.

Wiilkan oo hadda 24 jir ah waxa uu xulka Qadar u xirtaa lambarka 11-aad, waxa uuna ka ciyaaraa garabka bidix ee weerarka.

Waxa uu magaciisa si weyn usoo shaac baxay ka dib markii uu wacdaro ka dhigay tartankii koobka qaramada Aasiya ee dhacay 2019-kii, markaas oo uu kaalin weyn ka qaaday guushii ay Qadar ugu dambeyn ku hanatay koobka.

Xilligaas Akram waxa uu dhaliyay mid ka mid ah saddex gool oo ay Qadar ciyaartii finaalka ay uga badisay xulka Japan.

Sidoo kale, waxa uu aad uga dhex muuqday tartankii waddamada Carabta ee dhacay 2021-kii.

Akram Cafiif

Xiddiggan waxa uu u ciyaaraa kooxda Al Sadd ee ka tirsan horyaalka Qadar.

Markii uu uu billaabayay xirfaddiisa waxaa lagu tilmaamayay in uu noqon doono ciyaartoy mucjiso ah.

Waa kuma Akram Cafiif?

Akram waxaa dhalay Xasan Cafiif oo ah ciyaartoy Soomaali ah oo horay uga tirsanaan jiray xulkii qaranka Soomaaliya ee bari samaadkii

Cabdiqaadir Maxamed Faarax (Biriq), oo ka mid ah ciyaartoydii hore ee Soomaaliya ayaa goor sii horreysay BBC-da sheegay in Akram aabihiis uu soo ahaan jiray nin si fiican loogu yaqaannay xirfadda kubadda cagta.

“Xasan Cafiif wuxuu ahaan jiray ciyaartoydii qaranka Soomaaliya iyo kooxda Horseed. Wuxuu ahaa weeraryahan aad looga yaqaannay Soomaaliya, waxaana laga soo xushay ciyaartoydii ka soo jeedday magaalada Kismaayo, anigana waxaan ka mid ahaa dadkii nasiibka u yeeshay iney kasoo barbar ciyaaraan,” ayuu yiri.

Xasan Cafiif ayaa ka ciyaari jiray horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya, isagoo laf-dhabarna u ahaa xulka qaranka iyo kooxdiisii horsed.

Akram Cafiif

Dhanka kale, Biriq ayaa sheegay in Akram uu sidii aabihiis u yahay ciyaartoy xirfad sare leh oo mustaqbalkiisu uu ifayo.

“Waa ciyaartooy da’ yar, adduunyada oo dhanna aad ay maanta u daneyneysaa Akram Cafiif. Ciyaartii Fiinaalka koobka Aasiya wuxuu Akram muujiyay ciyaar heer sare ah. Marka runtii waxaan dhihi karnaa rajo fiican ayuu leeyahay heer aad u sarreeya ayuuna ka gaari karaa kubbadda cagta adduunka,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Akram Cafiif ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ku dhashay 18-kii bishii Nofembar ee sannadkii 1996-kii.

Waxa aan hadda sugnaba waa qaab ciyaareedka uu lasoo shir tegi doono koobka adduunka ee ay isugu imaanayaan inta badan ciyaartoyda ugu caansan dunida.