Soomaaligii ugu horreeyay eeo loo doortay xubin ka tirsan Golaha Deegaanka magaalada Barron ee dalka Mareykanka

Isaaq Cabdi Maxamed ayaa loo doortay xubin ka tirsan golaha deegaanka magaalada Barron ee gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka.

 

37-jirkan ayaa 179 cod ka helay doorashadii Talaadadii, isagoo ka adkaaday Maureen “Mo” Tollman oo horay ugu fadhiyay kursiga, isla markaana doonayay in mar kale la doorto. Maureen “Mo” Tollman ayaa doorashada ka helay 51.

Golaha waxaa uu ku matali doonaa degmada saddexaad oo ka mid ah xaafadaha ay Soomaalidu deggan tahay.

Guusha Maxamed ayaa ka dhigaysa inuu yahay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali Mareykan ah oo ku guulaysta xubinnimada golaha deegaanka ee magaalada Barron, wuxuuna aaminsan yahay inuu yahay mas’uulkii ugu horreeyay ee Soomaali Mareykan ah oo loo doorto taariikhda Wisconsin.

“Waa wax ku wayn bulshadeena. Waxay muujinaysaa inaan sameyn karno tan, Maxamed ayaa yiri.

Soomaaliddii ugu horreysay ayaa magaaladan u tagi jirtay in ay ka shaqeeyaan warshadaha. Magaaladan oo ah mid yar ayaa waxaa ku badan dadka caddaanka ee xir-xiran.

Isaaq ayaa laga guuleystay labo jeer oo uu horay u galay tartanka, balse markii saddexaad ayuu ku guuleystay codadkii ugu badnaa ee deegaanka oo ahaa 75 boqolkiiba.

Isagoo ka hadlayay guushiisa, waxaa uu sheegay in ay caawisay shaqooyinka uu u qabtay bulshada ku nool magaalada iyo Soomaalidda oo hadda kusoo badanaya magaalada. Meesha kama uusan saarin ololihii iyo dedaalkii uu usoo galay doorashada.

Doorashada Isaaq ayaa noqoneysa 25 sanno kaddib, markii qaxootigii ugu horreeyay ee Soomaali ah uu tagay magaalada Barron.

Isaaq Cabdi Maxamed ayaa u tartamayay si madax-banaan, maadaama uusan xisbi ka tirsaneyn.