Soomaaliya oo Midowga Afrika ka codsatay in laga qaado xayiraada hubkawhatsapp sharing button
email sharing button
 

Dowladda Soomaaliya ayaa midowga Afrika ka codsatay in laga dulqaado cunaqabataynta hubka ee saaran, si ay xasiloonideedii usoo ceshato.

Wasiir udowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Balal Maxamed Cisman, ayaa codsigan ka jeediyay shirka 41-aad ee caadiga ah ee golaha fulinta Midowga Afrika oo ka socda Zambia.

Codsiga dowladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay qorshaynayso inay dalka dib ugusoo celiso kumanaan askari oo dalka Eritrea lagusoo tababaray, kuwaas oo u baahnaan in loo sameeyo qalabayn, si ay qeyb muhiim ah uga qaataan in Alshabab dalka laga saaro.

Bishii June, Guddiga golaha ammaanka u qaabilsan cunaqabateynta saaran Soomaaliya ayaa sheegay, in dowladda cusub ee Soomaaliya ay iskaashi kala sameynayaan arrimaha muhiimka ah ee cunaqabataynta hubka.

15 Nov, 2022, Guddiga Golaha Ammaanka ayaa waxay cusbooneysiiyeen cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, si laga hortago hubka sharci-darrada ah ee la soo dejiyo iyo dhoofinta dhuxusha, iyadoo dib loo cusboonaysiiyay shaqada guddiga khubarada ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo sannad walba fagaarayaasha caalamka gaysa in laga qaado cunaqabataynta hubka weli kuma guulaysan.