Writen by Qaran News |

Soomaaliya Waa Iib( Qayb 2,aad)

Isbedelada Siyaasadeed Ee Geeska Afrika

(Ethiopia, Ereteria Iyo Soomaaliya) Iyo Dowladda Jibuuti Laga Yaabo Inay La Heshiiso Imaaraadka!

Raysul Wasaarihii Wayaane Ee Hore Hailemariam Desalegn Ayaa Safar Ku Tagey Wiigii Hore Magaalada Haraare Si Uu U Booqdo Madaxweynihii Dergiga Ee Hore Mingistu Hayle Maryam Ee Ay Jabhadoodii Ka Ridey Xukunka Kalana Tashado Isbedelada Cusub Ee Gobolka & Siyaasadda Raysul Wasaaraha Dr. Abii Axmed Oo Si Sir Ah Ula Dagaalamaya Siyaasaddii Tigreega & Xisbigii Uu Ka Tirsanaa Isla Markaana Uu Doonayo Inuu Baabi,iyo Saaxibada & Madaxda Qowmiyadaha Xisbiga Tigreega Itoobiya Kuna Bedelo Kuwa Cusub Maqaar Saar Ah Oo Isaga Taageersan Taasoo Mustaqbalka Itoobiya Mugdi Gelin Karta Sida Uu R/W Hore Itoobiya Desalegn Ku Andacoonayo

Taasoo Uu Ogaadey In Killinka 5,aad Ee Soomaalida La Weerari doono Isla Markaana Madaxweyne Cabdi Cumar Gacanta Lagu Soo Dhigi Doono Isla Markaana Halkaa La Gayn Doono Xukuumad Cusub Ee Abii Gacan Saar La Leh Ee  Isaga Oo Keliya Amarka Ka Qaadan Doonaan

Sidaa Daraadeed Waxaa Bilowday Dagaal Siyaasadeed & Wada Hadal Hoose Dhab Ah Ee U Dhaxayn Doona Tigreega & Qowmiyadda Amhaareega Ah Ee Asal Ahaan Kasoo Jeeda Madaxweynihii Hore Ee Mingistu Hayle Maryam

Ta Kale Waxaad Moodaa In Dr. Abii, Uu Xawli Ku Socdo & Inuu Aad U Deg Degaayo Sida Qof Meleteri Ah Ee Xukunka Xoog Kula Wareegay & Isagoo U Hiilinaya Qowmiyadda Uu Kasoo Jeedo Ugana Hiilinaayo Qowmiyadda Soomaalida Isagoo Aad Moodid Hoggaamiye Beeleed Ee Reerkii U Dhacayo Reer Kale

Waxaa Laga Warsugayaa Sida Uu U Maamulo Killinka 5,aad & Kheyraadka Petroolka Uu Rabo Inuu U Boobo Reerkii Uu Ka Dhashey Oo Aad U Badan Haddana Inta  Badan Faqrigu Ku Habsadey!

Tan Kale Dowladda Jibuuti Ilaa & Hadda Dacwadii Dekadda Ee Ay Ku Dhawaaqdey Weli Uma Gudbinin Maxkamadii Heej, Haugue Court (ICJ)  & Maxkamadii Ingiriiska Oo Caddeysay In Heshiiskii Dekedaha Dowladda Jibuuti & Imaaraadka Uu Weli Valid Yahay.

Ta Kale Dowladda Federaalka Soomaaliya Kama Maqna Masraxa Siyaasadeed & Iyadoo Ciyaaraysa Gaym Aad U Weyn Ee Aan Ogaan Karin Dowladda Itoobiya Taasoo Ay Waafijinayso Maslaxadda Dalkeeda & Ummadeeda Soomaaliyeed Halkaana Waxaa Laga Yaabaa Inay Isu Soo Dhawaadaan Dowladda Soomaaliya & Xukuumadda Somaliland Taaso Ku Salaysnaan Doonta Sinnaan,Caddaalad & Is Qadarin Soomaalinnimo Taaso Ah Amar Waaqac Ah La Xiriira Isbedellada Gobolka

Sidaa Si La Mid Ah Waxaa Laga Yaabaa In Xukuumadda Somaliland Ee Ay Doorkeeda Ka Ciyaarto Isbedelada Siyaasadeed Ee Geeska Afrika Kaalin Mug Lehna Ka Qaadato Taasoo Maslaxad U Ah  Jinsiga Af-Soomaaliga Ku Hadla

Waxaa Ugu Muhiimsan In Soomaalida Ay Il U Yeelato Qowmiyadda Oroomada Ee Itoobiya Ee Sida Ugu Badan Uga Soo Hayaama Soomaaliya Siiba Somaliland & Puntland Taasoo Dhibaato Weyn U Keeni Karta Dadkaa Soomaaliyeed 25ka Sano Ee Soo Socda, Waayo Kuwii Horey U Soo Galay 1930 kii Oo Imminka Kula Sheeganaya Soomaali (Garre-Libin) Ayaa Taag Loo La, yahay Luqadaadiina Kula Yaqaana Tiisiina Weli Haysta!

Waxyaabaha Soomaalida Lagu Yaqaan Waxaa Ka Mid Ah Kol Arrini Fara Kabax Noqota Ayey Isu Hiiliyaan Kolkaasoo Aanan La Helin Karin Sidii Loo Baahnaa

Haddaba Ciddii U Malaynaysa In Tigree, Amhaara & Oromo ( Itoobiya ) Walaal Ama Saaxiib Kulligood Waxay Kawada Siman Yihiin Soomaali Nacayb & Iney La Wareegaan Maalin Maalmaha Ka Mid Ah Dhulka Soomaaliyeed Oo Dhex Ceegaaga Kheyraad Fara Badan.

Ali Sheikh Adam