Soomaaliya waxa ka soo xidhmay waddooyinkii diblomaasiyadeed ee ay kaga soo horjeeday isfahamka Somaliland iyo Itoobiya

Hargeysa, (Qaran news)-Dawladda Soomaaliya waxa iska soo banadaya wadiiqooyinkii diblomaasiyadeed ee ay kaga soo horjeeday heshiiskii is afgarad ee taariikhiga ahaa ee ay 1dii bishii January 2024 ay kala saxeexdeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ee ku wajahnaa in Somaliland ay 20km oo xeebteeda ka mid ah ka kirayso Itoobiya, si ay uga dhigato saldhig millatari oo badda ah.

Heshiiskaasi wuxuu jidaynayaa in dawladda Itoobiya ay noqoto waddankii koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsada dal madaxbannaan.

Dawladda Xasan Sheekh waxa uu heshiiskaasi ku abuuray xasilooni darro siyaasadeed iyo jahowareer ay ka qaaday tallaabada Somaliland iyo Itoobiya danahooda isku dhaafsadeen.

Waxa dawladda aan cagaha adag ku taagnayn ee Soomaaliya ay samaysay iskuday diblomaasiyadeed waxana ay dacwado ay kaga soo horjeeday is fahankaas u gudbisay Qarammada midoobay, midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD. Waxa ururradaasi ay soo saareen baaqyo aan farxad gelin Soomaaliya, oo ku wajahnaa in dawladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ka wada hadlaan khilaafkooda.

Waxa Dawladda Muqdisho u cadaatay inay ku hungowday oo ay dhabarka u soo jeediyeen ururradii iyo dalalka reer galbeedka qaarkood oo ay ka weyday hiilkii siyaasadeed ee ay ka filaysay.

Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa iyaguna ku adkaystay in shuruucda caalamiga ahi u jidaynayaan sharcinimada heshiiskaas wax is dhaafsiga ah, oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd sheegay in la dhammaystiray farsamo ahaan qodobbada isfahamka, si loo gaadho heshiis rasmi ah.

Dawladda Kenya ayaa qaaday dedaal diblomaasiyadeed oo la xidhiidha in dalalka Geeska Afrika ay qayb ka siiyaan dalalka gobolka ee aan badda lahayn isticmaalka dekedaha. Waxase ay Soomaaliya qorshahaa kala hortimid diidmo cad. Taasi oo ah mid ka soo xidhaysa dhammaan waddooyinkii diblomaasiyadda ee xalka lagu gaadhi lahaa.

Sidaas darteed, waxa nasiib wanaag u furan Somaliland iyo Itoobiya ay sii wataan heshiiskoodii, maadaama oo dalalka gobolku isla arkeen is adkeynta aan xalka ku dhisnayn ee Xukuumadda Xasan Sheekh oo ah mid aan ka talin oo aanay shaqo isku lahayn Jamhuuriyadda Somaliland oo 33ka hor xornimadeedii kala soo noqotay Soomaaliya, markii ay duntay dawladdii keligii Taliye Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1991kii.

Ugu dambayn waxa heshiiska is-fahan u fuli doonaa sidii loogu talogalay.