SOOMALIYA XASAN SHIIKH TIMUHUU ISU SUDHAY REER GABBAHAAREY AYAA KURAAS U SOO DOONTAY LAASCAANOOD!!!.

Reer xamar waxa laga hayaa cimrigaaga oo raagay geel dhalayna wuu ku tusaa, anoo aabbahay la liita ayuu aabahayna aabbihii keenay.

xasan shiikh degmo ka tirsan soomaliland (laascaanood) ayay maamul dhalanteed ah ka samaysteen isagiyo saaxiibo ay isku caqli yihiin oo reer laascaanood ahi waa sawir xinka Somaliland loo samaystay.

Waxa ugu daran marreexaan oo gedo deggan ayaa kuraas in laga siiyo laascaanood ay hore ugu ballameen sida fadeexadda warbaahinta ka muuqata waftigii marreexaan ayaa ka cabanaya kursigii oo ay ka waayeen golaha laascaanood, waxay ku cawdeen weftigii reer gedo dhulbahantoow waanu idinlla dagaal gallay naf iyo maalbba waan idiin hurnay idinna waad naga qadiseen xilalkii, aqoontii soomaalida iyo caqligii xasan shiikh waakaas isugu ururay laascaanood oo ay dumiyeen inaanay saldhigin.

Laascaanood waa Somaliland khariidadihii afrikana lama beddelin, waxa socota ku dayashadii indhaha la’ayd., baroortu ceesaanta ka weyn nimankay talo u taallaa waa garaaddadii harti oo aanay gacanta waxba ugu jirin xaajo dhabaqday waataas soomaaliya.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.