Writen by Qaran News |

Soomalidu Hogaamiye/Leader Ma Fahansantahay? – Part 2

5 baahiyood oo aasaasi ah ayaa Allah ku abuuray aadamaha, isla markaana ayna suurta gal ahayn in aadamu la’aantood noolaado.

Baahida 1aad waa in qofku nabadgelyo helo (jidh ahaan, maal ahaan iyo sharaftiisa ahaanba); baahida 2aad waa in qofku cunto helo (biyo iyo nafaqo); baahida 3aad waa in qofku taran helo; ta 4aad waa in qofku helo wax buuxiya baahidiisa ruuxiga ah (diin).

Ta ugu danbeysa oo ah ta 5aad waa dadaalka aadmahu dhamaantii ugu jiro suurto-gelinta dariiqii uu naftiisa iyo bulshada kaleba ugu xaqiijin lahaa afartaa baahiyood ee hore (hogaamin). Insaan ma saarna aduunka dushiisa aan arinkan ku hawlaneyn – laakiin waxaa kala duwan fahamka iyo dariiqa loo marayo helitaanka hogaamin fiican.

Hadaba hogaamin fiican waa maxay, waana maxay astaamaha lagu garan karo hogaamiyaha fiican?

Hogaamin fiican waa: aragti fog, geesinimo, daacadnimo, go’aan qaadasho, deeqsinimo, codkarnimo iyo wada shaqayn. Hogaamiye fiicana, astaamahaa ayuu ku sifoobaa.

Hadaba, astaamahan kor ku-xusan siyaabo kala duwan ayey ku yimaadaan.

Waxaynu qoraalkan qaybtiisii 1aad kaga waraney in aduunku $375 billion ku kharash gareeyeen sanadkii 2019 kobcinta hogaaminta. Waxaynu kaloo ka waraney in su’aasha ugu badan ee ay iswaydiinayaan  cilmi baadhayaasha ku xeel dheer kobcinta hogaamintu ay tahay: hogaamiye miyaa loo dhashaa mise waa la kasban karaa?

Waxaynu sheegney in khubarada cilmi baadhista ka sameeya arinkan, intooda badan isku raaceen in afar arimood sabab u yihiin in la helo hogaamiye fiican:

  1. Muhibo (natural talent)
  2. Degaan ku haboon (environment)
  3. Carbin (training)
  4. Khibrad (expereince)
  1. Muhibo ( natural talent)

Muhibo (natural leadership talent). Waa awood Rabbaani ah oo Allah qof ku abuuray, hadey tahay sida maskaxda qofku u qaabaysantahay markuu dhasho, iyo hadii ay tahay jidhka qofka oo u abuuran mid u adkeysan kara culeyska (pressure) badan. Cilmi baadhayaashu waxay fiiro gaara siyaan, sida maskaxdu u wire-gareysantahay iyo sida ay isula xidhiidheyso. Qof walbana Allah in buu hibbadaa ka siiyaa.

Reer galbeed-ku arinkan dadaal badan bay geliyaan oo caruurta kula socdaan, kana bilaabaan u kuurgalkooda maalinta uu ifka u soo baxo.

  1. Deegaan (environment)

Deegaanku waa meesha uu qofku ku koray, haday tahay guriga, qaraabada, dugsiga, saaxiibada iyo shaqooyinka ugu horeeya oo uu qofku qabto. Muhiimad weyn baa kujirta cida qof-ka yari la korayo, khaasatan hooyada, aabaha iyo qaraabada. Waxaa saameyn ku leh nooca ay u noolyihiin – sida qaab dhismeedkooda nololeed uyaal. Khaasatan: aragtidooda guud ee nololsha (vision), iyo sababaha ay aminsanyihiin inay u noolyihiin(mission), qaabka ay u wada xidhiidhaan dhexdooda, deeqsinimadooda, geesinimadooda iyo ixtraamka iyo kala danbeyntooda.

Arintani  raad weyn bay kuleedahay in qof-ku noqdo hogaamiye fiican. Nebbiyada qaar badan oo ka mida waxaa Allah inoo sheegay in ay la so koreen boqoro – sida : Yusuf, Muse, Suleymaan (AS). Nebi Muhammed (SAW) waxaa soo koriyey adeerkii abu Daalib oo ahaa hogaamiyihii Qureysheed.

Waxaa kaloo la ogaadey in badan oo hogaamiyeyaasha fiican oo aduunka xiliyadan danbe soo maray in ay iyaguna ku koreen guryo xidhiidh la lahaa hogaamin wanaagsan. Tusaale ahaan hogaayimihii South Afrika ee caanka ahaa ee Mandela, aabihii wuxuu ahaa la-taliyihii boqorkii dadka Thembu ee Jongintaba Dalindyebo. Sanadkii 1930, markuu Mandela ahaa 12 sano jir ayuu aabihii geeriyooday, isla markaana waxaa loo geeyey boqorkii Jongintaba oo soo koriyey.

  1. Carbin (training)

Carbinta iyo tobabarada joogtada ah ee uu qofku helayo marka uu yaryahay qayb weyn bay ka tahay hogaan nooceeya buu qofku noqonayaa mustaqbalka. Tababarkuna wuxuu noqon karaa mid role-modeling ah oo qofku ka eegto qof ka weyn oo khabiir ah, ama mid si ku talo-gal ah loogu tababaro taariikho, communication-ka, sabirka, adkeysiga iyo xeeladeysiga lagu xalilo problems-ka.

  1. Khibarad (experience)

Kibrada nololeed oo ku timaada isku-day badan oo xal raadin ah oo uu qofku sameeyo inta uu yaryahay, gaar ahaan kuwa mucaamilaad dad la xidhiidha, waxay suurto gelisaa in qofku helo dariiqooyin lagu xalin karo arimaha mustaqbalka(iA). Khibrada qofku nolosha ka helaa waxay ka dhigantahay sida marka birta la shiilayo ee loogu  kala saarayo  iron, aluminum, iyo copper-ka.

Khibrada ay ka dhalaneyso hogaamin fiican, waa khibrad ay kujirto caqabado badan, khaasatan kuwa ay ka mid ahayd cadaalad daro isaga lagu sameeyey, ama dad uu la noolyahay, iwm.  Laakiin waxaa waajib ah, in qofku ahaa mid baraarugsan oo dareensan waxa dhacaya.

Jawaab: Soomaalidu hogaamiye/leader ma fahamsantahay?

  • Muhiba: Soomalidu Ibna-Aadamka ayey kala mid yihiin arinta 1aad (hibadda) – dadka Soomaaliyeedna waa ka dhashaan dad leh hibbo hogaamineed oo ilaahay abuur ahaan u siiyay. Laakiin, muhiimad weyn Soomaalidu arinkan ma siiyaan.
  • Degaanka: Inta badan Soomaalidu deegaanka ay ku barbaarto uma diyaarsana mid diyaarin kara hogaamiyayaal fiican- waa environment buuq, iyo dareen la’aan u badan. Berigii hore way dhaantey xiligan sida taariikhdu tilmaameyso. Xiliyadan danbe dhaqan-ka/culture-ka Soomaalida wuu ka suulay muhiimada ah in la helo hogaamiye fiican.
  • Carbinta/tabobar: maadaama oo deegaankii lagu soo barbarin lahaa aan muhiimad la siinin, tababar iyo carbin qorshaysan oo arintan ku wajahana ma jirto. Inta badana, qof ku fakaraya adigu tusaale fiican noqo si ay kuwa yaryar kuugu daydaan waa yaryahay. Inta badan, qofka Somaliga ahi wuxuu sameeyaa oo keliya waxa isaga shakhsiyan uu isleeyahay toos ayay kuu afacaysaa, lagana yaabo in aanu ka fekerin wiilkiisa iyo ka uu sii dhalo wiilkiisu.
  • Khibrad: khibrada hogaamineed waxaa raad weyn ku-leh sida goobta/environment-ka qofku ku shaqaynayo ay u qaabaysan tahay. Tusaale ahaan, maxaa goobtaas laga aaminsanyahay runta, eexda, cadaalad darada, musuqa…iwm.

Somalidu waa dad eex badan, musuq badan, go’aanada ay sameeyaana badankoodu ku dhisan-yihiin eex iyo qof jecleysi/qolo jecleysi. Taasina waxay baa’bisaa hibbada rabaaniga ah ee qofka, iyo suurta galnimadii uu hogaamiye fiican ku soo bixi lahaa.

Hadaba muhiba kastaba oo qof, ku dhasho, waxaa xoojisa ama tirtirta environment/degaan-ka qofku ku barbaarayo.

Jawaabtii oo koobana waxaa weeye, dadka fahamsan muhiimada hogaamintu leedahay, waxay dadka kukala soocaan muhibada/hibbo-da rabbaniga ah (leadership talent), u diyaariyaan environment ku haboon, u huraan tababaro dheerada, una fududeeyaan in uu hibbadaa rabbaaniga ah ku hawl galo. Arinkan aduunka meelo aad u badan waan ku arkay, laakiin Soomali kuma arag.

Maah maah Soomaaliyeed baa tidhaah: ushaada u dhiibo, nin aad ka qaadan-kartid. Tan macnaheedu waxaa weeye, qof liita masuul ka dhig. Sababtoo ah, nin ragi, kii xilka u dhiibay khalad ku adeeci mayo. Laakiin dadka intiisa badani waxaanay fahmin, hogaan xumi raadeynta culus oo uu bulsho ku leeyahay aduun iyo aakhiroba!

By Abdi Osman Jama
Doctoral candidate
Institute for Strategic Initiatives (ISI)
Hargeisa, Somaliland
abdi.jama@isi-inistitute.org