W/Q Xamse Khayre Xoghayaha Ganacsiga Xisbiga WADDANI
Su’aal, Afeef & Duco
Mar labaad maanta waxaa dhacay liisanka Xisbiga madaxwaynihii hore waqtigiisu dhamaaday. Taariikhda SL iyo ta dunida oo dhan waa markii u horaysay ee MW waqtigiisu dhamaaday isla markaana Xisbigiisii liisanku ka dhacay ay muddo kordhin aan sharciga waafaqsanayn ay u samaysay Guurti waqtigeedu dhacay. Haddaba yaa ii sheegaya sharciyada Muuse Biixi Kursiga ku fadhiya ee aan ahayn inuu yahay nin HAASHIMI ah oo laandheere ah ? Taasina waxay ku eg tahay inta Haashimi kale ama Kushiti kale oo laandheere ah dulqaadku ka dhamaanaynayo?.Shan sanno ayaynu ku gaadhnay halkii aynu ka nimi 1991-kii (time travel) taasina waa midda ugu wayn waxqabadka MW hore.
Waxaan taariikhda burburka qaramada ka bartay in kala-daadashada qaran ka dambayso dumista qaran. Waynu taagan nahay maaha waynu dhisan nahay. Waynu soconaana maaha waynu nool nahay. Soomaliya 1969-kii ayay duntay laakiin waxay kala-daatay 1991-kii. Waxaynu Alle (swt) ka rejaynayaa in caqligu inagu soo noqdo oo uu ina samata bixiyo fursad labaadna aynu ina siiyo 18 May 2023.
Ugu dambayntii waxaan halkan ka hambalyeynayaa Gudoomiyaha Guddida Duminta Ummadda SL (GDUSL) sida wacan ee isaga iyo guddidiisu u wadaan hawshii loo igmaday.
Allaa Mahad leh
Xamse C. Khayre
May be an image of 1 person
Waxa qoray