Writen by Qaran News |

  Su’aalaha u baahan Jawaabaha ee Kulanka Siyaasiga Debed-wareega ah Maxamuud Xaashi & Xildhibaanada Golaha Wakiilada Habar-awal
 
Su’aalaha u baahan Jawaabaha ee Kulanka Maxamuud Xaashi iyo Xildhibaanada.
1. Maxamuud Xisbiga waa laga saaray.
2.Guddoomiyaha Xisbiga waa laga hor joogsaday.
3.Mucaaradka ayuu La saftay xilligii doorashada.
4. Maxamuud lama dhacsana Xukunka Madaxweyne.
5. Tageerayaasha Xukuumadu may jeclayn habka uu Maxamuud Xaashi u wajahay xisbigiisii kulmiye iyo xukuumaddiisa oo macaaradad xooga Ku qaaday.
6. Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada waxa uu Ku dhisay Cabdirisaaq khaliif Axmed oo Mucaaradka ahaa.
Hadaba Maxamuud maadama uu kasoo horjeedo Siyaasada Madaxwayne Biixi muxuu uga baahan yahay Kulankan?
Ta kale Xildhibaanadu waxay markhaati ka ahayeen Tabashada iyo duudsiga Maxamuud ka tirsanyay Madaxwayne Biixi, maxay se imika ka badeli karaan?
Kulankani Muxuu u soo kordhinayaa Maxamuud Xaashi oo aan wax rabitaan ah u haynin dhisme 5 Ta danbe ee Madaxwayne Biixi.
Warar Hoose waxay shegayaan in Maxamuud Xaashi iyo Madaxwayne Biixi wada hadleen, balse lama xaqiijin Arrintaasi, balse waxa fariin muhiima loo arkaa Kulanka Caawa.