Jaamac-shabeel, oo ahaa Kulmiye bilow ilaa dhamaad, intan Muuse meesha fadhiistay se ka mid ah dadka xamili waayay ee is ka ga tegay, ayaa siyaasiyiinta beesha H/jeclo la hadlay oo su’aal cadho ka muuqato saxaafadda u mariyay. Jaamac waxa uu yidhi – horta H/jeclo nimankiina siyaasadda ku metaloow, marka nin H/awal ahi kursi difaacanaayo, gar iyo gar darro kii uu doono ba ha ku socdee, sababta idinka midiyaha la idiinku dhiibo ee noo gu la soo yaacdaan maxay tahay? Midhkaas noo ga warama, Muuse kursiga ha haysto ama waxa uu doono ha yeelee, ayuu yidhi. Saleebaan-gaal ninka la gu magacaabo ayuu gaar u gu hal-qabsaday, ragga uu tilmamayay se waa ka badnaayeen intaas.
Kolkii aan Jaamac warkiisa maqlay baan dib wax u xisaabiyay. Nimankan uu tiriyay ee godobta aanay lahayn iska guranaaya ayaan dib u eegay shantii sanno ee i na dhaafay waxa ay ku qabeen nidaamka Muuse, iyo dhab ahaan miisaanka ay agtiisa ka leeyihiin, labadii na eber baa ii soo baxay. Ku dhawaad toban jeer oo ay ergo u gu tageen dhamaantood, oo Kaahin iyo Saleebaan ba ku jiraan, oo dano H/jeclo ay ka la hadlaayeen, faro madhni buu ku soo diray waana la ogyahay. Labadaas oo keliya ma aha ee guud ahaanba siyasiyiinta beesha H/jeclo ee Kulmiye ku jirta, ama xukuumadda ku jirta, ama guurti joogta, amaba ganacsi ku jirta, tacab iyo tamar kasta Muuse waa geliyeen, bal in uu hal shay oo ay u ga ergeeyeen uu ku ixtiraamo, ma se dhicin. Diyaaraddii Fly Dubai iyo Air Arabia ayaa la ogaa. oo Hotel kii Hargeisa Club, ee ninka H/jeclo uu maalgelinta ku sameeyay, dawladda na heshiiska ku la galay in uu xoolihiisii iyo macaash ba ka la soo baxo , heshiis mudaysan na loo gu wareejiyay, sida Tiyaatarka Hargeysa oo kale, ayaa la ogaa, oo Muuse banaanka ka mariyay, iyana ay waxba ka qaadi waayeen. Shaqaalihii dawladda ee intii Siilaanyo joogay nidaamka soo galay, iyo sidii hal-hal loo gu caydhsaday baa la ogaa, oo aanu Saleebaan iyo mid kale toona waxba ka tarin. Oo Maxamuud Xaashi iyo gebi ahaanba garabkii Siilaanyo ee Kulmiye wixii gaadhay baa la ogaa, oo aan laba cali waxba is ka weydiin. Intaas oo dhan iyo in kale oo ka sii badan oo jirta, oo wareejintii xisbigu ka mid tahay, oo aanay nimankaasi waxba ka tarin, baa la wada ogyahay. Iyada oo ay sidaas tahay, oo ay marka uu Muuse si walba gogosha u gu ciideeyo, ay sidii maati la dhacay isa soo daba luudaan, ayay hadana marka uu isagu hiil doono, gar iyo gar darro ba, si hagar la’aan ah u gu darbanyihiin.
Marka ay sidaas tahay, su’aasha Jaamac-shabeel wax baa ka jira, jawaab baana loo baahanyahay. Siyaasiyiinta H/jeclo iyaka oo aan hal iyo nirig toona ku lahayn waxa socda, ninkii ay ku xoog iyo xiniinyo beeleen na la wada ogyahay shantii sanno waxa ay ka la muteen, hadana sababta ay milicda kulul salaanta iyo hiilka bilaa xadka ah u la taaganyihiin maxay tahay? Ha’adda maxaa ka si ah?