Sucuudiga oo qaaday xanibaad Xujaajta ka saarneyd Xajarul-Aswad

Xujeyda tegta Xaramka ayaa mar kale loo ogolaaday inay taabtaan ama dhunkadaan Xajarul-Aswadka oo kamid ah waxyabaha sida weyn loo qaddariyo.

Waxaana la qaaday xeyndaab weyn oo ku hareereysanaa Kacbada si looga hortaggo fiditaanka cudurka Covid-19.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysaa xilli lagu wado inay bilaabmato Cumrada.

Sucuudiga ayaa meesha ka saaray xayiraadihii ka dhanka ahaa cudurka safmarka ah horraantii sanadkan.

Tani waxay ka dhigan tahay in xajkii bishii hore uu ku dhowaa inuu caadi ku soo laabto ka dib laba sano oo xayiraad adag lagu soo rogay tirada xujeyda.