Suldaan beeniyay hadal Jabhad ku saabsanaa oo laga faafiyay
Hargeysa(Qaran news)- Suldaan Cabdiqaaf oo ka mid ah salaadiinta reer Hargeysa ayaa sheegay in aanay jirin wax jabhad ah oo uu sameynayaa, hase ahaatee ay dadku khalad fahmeen arrimihii uu ka hadlayey ee la xidhiidhay shaqaaqadii Buurta Naaso hablood ee magaalada Hargeysa.
Suldaanku wuxuu sheegay inuu u hadlay ragii ciidanka qaranka ka tirsanaa ee laga qaadayey dhulka, waxaanu tilmaamay in xukuumaddu dhammaysay arrintaas oo maanta ay dhulkoodii siisay dadkii uu u hadlayey.
Waxa kaloo uu tilmaamay in sidoo kalena laga heshiiyay dadkii xidhnaa.
Suldaan Cabdiqafaar wuxuu sheegay inuu raaligelin ka bixinayo hadalkiisii hore oo dadka qaar si khaldan oo aanu u jeedin u fasirteen.