Suldaan Madaxweynaha ugu Baaqay inuu Fuliyo Qoddobadii Doorashada ee loo xilsaaray

Hargeysa-Suldaan Maxamuud Qabile ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu dhinaciisa fuliyo qaraarkii waxgaradka beesha bariga Burco soo saartay.

Suldaanku wuxuu sheegay inay maanta soo gabogabeeyeen qorshihii buurta Gacan-libaax lagaga soo dejinayay dhallinyaradii jabhada samaysay.wuxuuna intaas ku daray inay maanta aqbaleen oo la kala diray inamadii ugu dambeeyay ee jabhadaasi baaqig ka sii ahaa.

Sidoo kale Suldaan Maxamuud Qabile wuxuu sheegay in baabuurtii ugu dambaysay ee dhallinyaradaasi haysatayna ay wareejiyeen.

Suldaanku wuxuu sheegay waxa kaliya ee beesha Garxajis kh hadhay ay tahay magtii lagu xukumay ee ciidanka taasina ay dhinacooda diyaar ka tahay, waxase uu madaxweyne Muuse ugu baaqay in dhinaciisa la soo eegayo oo uu fuliyo qidobbadii xhinaca doorashada la xidhiidhay, si dalku baylahdiisa u qabsado.

Waxa kaloo suldaankaasi uu guddidii dhexdhexaadinta ku amaanay sida wax ku oolka ah ee ay u garnaqeen iyo siday u dabo socdaan fulinta go’aamadii ay soo saareen.