Suldaan Rajo ka muujiyey Natiijada ka soo Bixi doonta Kulanka Qasriga Madaxtooyada uga socda M/weyne Biixi & Hogaanka Xisbiyada Mucaaradka

Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre ayaa sheegay inuu rajo wayn ka qabo in is afgarag laga gaadho muranka cakiran ee u dhaxeeya Xisbiya Mucaaridka iyo Xukuumadda Somaliland.
“Rajo wayn ayaan anigu ka qaba in is-afgarad iyo wanaag lagu dhammayn doono khilaafka siyaasadeed ee Waddanka ka jira. Shalay markii aanu isutagnay Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa naga codsaday in maadaama muranka xuduntiisu sharci tahay inay Golaasha Guurtida iyo Wakiilada guddoonkoodu marka hore iyagu galayaan. Haddii ay dhammeeyaan annagu Saladiin ahaan ducada ayaanu ku afuufayna, haddii kale meel manaan tagin waanu joogna annaga oo Saladiintii Waddanka ah, culimadii, waxgaradki iyo inta samaha jecelba hareeraha ayaanu ka joogayna”.
Sidaa waxaa yidhi Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre.