“Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka komishanka doorashooyinka qaranka ee ah inay maanta shaaciyeen Mudada ay ku qaban karaan Doorashada Madaxtooyada.
Mudadaa ay ku dhawaaqeen oo ah mudo 9 bilood ah waaana xili kooban oo farsamo ahaan ay ku qabsoomi karto Doorashada Madaxtooyadu.
Sidoo kale waxaan Golaha Guurtidda leeyahay naanays ha qaadaninee meel-mariya Xeerarka idin horyaala, taas oo wanaaga dalka iyo dadkuba ku jiro, khilaafka siyaasadeedna lagaga bixi karo.”
