Qoraalka Muuqaalka,Dhowr arrimood oo inta badan dadku aysan ka ogayn buurta Surad

Waxaa laga yaabaa in aad waligaa maqli jirtay magaca buurta Surad oo lagu tilmaamo tan ugu dheer Soomaaliya, inkastoo ay ku taallo dhulka hadda ay ka arrimiso Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Buurta Surad oo caan ka ah dhulka Soomaalida ayay BBC-da kasoo samaysay muuqaal looga sheekeynayo arrimo dhowr ah oo ay gaar la tahay.

Ilaa 2,460 ayay buurtani ka sarraysaa heerka badda, waana sababta ay taariikhda ugu jirto.

Waxay ka mid tahay buuralayda silsiladda Golis ee gobolka Sanaad, waana dhul uu jooggiisu sarreeyo oo qabeebe ah kana duwan cimilada ka jirta meelaha kale ee waddanka.

Surad iyo buurta kale ee caanka ah ee loo yaqaanno Daallo waa deris waxaana kala qaybiya oo keliya waddada Tabaca.

Hadda waxaa jira dhowr waxyaabood oo dadku intooda badan aysan ka aqoonin buurtaasi ay dalxiiseyaashu ku hirtaan.

1- Dhirirkeeda lama dareemo

Qof walba oo magaca buurta Surad iyo dhirirkeeda loo sheego waxa uu sawirtaa buur dheer oo marka aad kor u eegto aad qiyaasi karto dhririkeeda xad dhaafka ah.

Maskaxda qofka waxaa kusoo dhacaysa buur fiiddeeda ugu sarraysa ay daruuraha ku dhow dahay.

Buurta Surad

Balse Surad way ka duwan tahay sidaas. Xitaa marka aad gaarto halka ugu korreysa wali ma garanaysid inaad buur dheer saaran tahay.

Waxay ku fidsan tahay dhul aad u wayn oo kor u kacsan, meelba meesha ku xigta ayay kasii sarraysaa ilaa laga gaadho goobta loo yaqaanno Shimbiris.

2-Martisoorka

Sida caadiga ah, dalxiiseyaasha taga goobaha indhaha soo jiita waxay ku tashadaan inay si iskood ah isugu filnaadaan. Laakiin Buurta Surad waxaa dadka soo booqda loo sameeyaa martisoor loogu talogalay.

“Dalxiiseyaashu way noo imaadaan. Waxaa noo imaada caddaan, labada dhinac ee waddooyinkaba way ka soo galaan. Annagu waan soo dhawaynaa, waan kaxaynaa, meesha ay doonayaan oo ah halka u sarraysa ayaan gaynaa. Halkaas baa lagu soo dhaweeyaa, waa lagu sooryeeyaa kaddibna way naga baqoolaan,” ayuu yidhi Saalax Maxamuud Faarax, oo ka mid ah dadka u adeega Surad.

Saalax Maxamuud Faarax
Qoraalka sawirka,Saalax Maxamuud Faarax wuxuu dhirta ka ilaaliyaa in la jaro

Waxa dhaqaale ah kama soo xaroodo dalxiiska loo tago buurtan caanka ah, sida ay noo sheegeen dadka halkaasi ku sugan.

3- Kaymaha xayawaanka leh

Muddo toban sano ah ayuu Saalax Maxamuud ilaalo ka hayay dhirta deegaankan, isagoo ka celinayay cid walba oo isku dayda inay jarto.

Ugu dambayn Wasaaradda Deegaanka ee Somaliland ayaa shaqaale toos ah ka dhigtay ninkan deegaanka difaaca, kaddib markii uu in muddo ah ku shaqaynayay si mutadawacnimo ah.

Kaymaha ay buurtu ku dhex taallo waxaa laga helaa xayawaanno duur joog ah oo nooc walba leh.

4-Buur kale oo u magac eg

Buurta Surad

Gobolka Massachusetts ee waddanka Maraykanka waxaa ku taalla buur aad ugu magac eg tan ku taalla dhulka Soomaaliya, waxaana lagu magacaabaa Surat.

Buurtaasi waxay ku taallaa meel qiyaastii 2.7 km u jirta magaalada Gosnold. Waxay sidoo kale buurtaas u dhow dahay mid kale oo lagu magacaabo Cary.