Writen by Qaran News |

Suudaan oo sheegatay Gobolka Benishangul-Gumuz ee Itoobiya ka dhisanayso biyo-xidheenka Weyn+Jawaab adag oo itoobiya shaacisay

Diina Muftii
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Diina Muftii

Itoobiya ayaa gaashaanka ku dhufatay sheegashada Suudaan ay ku sheegatay deeganka Benishaangul-Gumuz oo laga dhisayo biya xireenka weyn ee Itoobiya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Diina Muftii oo shir jaraa’id qabtay wuxuu sheegay dowladda Suudaan iney sheegato Gobolka Benishangul Gumuz uu yahay “Wax laga xishooda sharcigana baal marsan.”

Diinaa wuxuu sheegay mowqifka Suudaan inuu yahay “Mid ka horimanayo qaranimada dalka Itoobiya”

Maalma ka hor bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan, waxaa lagu sheegay Itoobiya haddii ay ku sii socoto heshiisyada iney ka baxdo ay Suudaan soo jeedin karto lahaanshaha gobolka Benishaangul-Gumuz.

Suudaan iyo Itoobiya bilooyinkii ugu dambeeyey waxay xiisad xooggan oo dagaallo sababay ay ku dhexmarayeen deegaanka Al-faashiqa oo ah dhul beereed ku yaalla xadka labada dal.

Labada dal inkasta oo ay marar badan sheegeen iney dooneyn iney dagaal wada galaan haddana ciidamada labada dal dhulka ay isku hayaan dagaallo ayaa labada ciidan ee labada waddan dhexmaray.

Dagaalka xadka ee u dhaxeeya labada dal ka sokoow, waddamada Suudaan, Masar iyo Itoobiya waxaa u dhaxeeya khilaaf xooggan oo ka dhashay marki ay seddexdaasi dal heshiis ka gaari waayeen wadahadalladi ay ka yeesheen xal u helidda habka biya xireenka loo buuxinayo.

 

Diina Mufti waxaa kale uu warsaxafadeedkiisa uu ku sheegay Suudaan oo haatan ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD inay ku dhaqaaqday falal sharci darra ah waxaanna jecelnahay inaan u sheegno iney arrintaa tahay “wax laga xumaado oo laga naxo.”

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed (M) iyo dhiggiisa Sudan Abdalla Hamdok - labada dal waxaa ka dhaxaysa taariikh cadowtooyo
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed (M) iyo dhiggiisa Sudan Abdalla Hamdok – labada dal waxaa ka dhaxaysa taariikh cadowtooyo

“Suudaan iyada oo dhul ay Itoobiya leedahay xoog ku qabsatay haddana iney bayaanno aan munaasab ahayn ay soo saarto, Itoobiya si dhow ayey ugu kuur galeysay. Ciidamada Suudaan oo dhac iyo bililiqo ka wada dhulka Itoobiya ee ay qabsadeen iney u dulqaadato ay Suudaan u aragtay daciifnimo ama cabsi.”

Hase yeeshee, Dinaa Muftii wuxuu sheegay khilaafka Itoobiya iyo Suudaan u dhaxeeya ee salka ku hayo arrimaha xadka uu wax xiriir ah la laheen biya xireenka weyn ee ay Itoobiya dhiseyso.

“Wadahadallada seddex geesoodka ee la xidhiidha biya xireenka Itoobiya weli mowqifkeedi ayey taagan tahay.”

Askari TPLF

Dowladda Itoobiya waxay mar sii horreysay sheegtay dagaalka gobolka Tigraay ee dalka Itoobiya marki uu Itoobiya ka billaawday oo ay ciidamada Itoobiya oo deegaannada xadka Suudaan iyo Itoobiya ku sugnaa ay ka baxeen ay ciidamada Suudaan deegaanka Al-faashiqa gabi ahaanba la wareegeen.

Heshiisyadii xilligii gumeysiga

Xadduudaha Geeska Afrika ayaa ah kuwo aad loogu muransan yahay. Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sanadkii 1977 isku dagaalay gobolka Ogaden.

Sanadkii 1998 waxay Eritrea kula dagaashay dhul yar oo lagu magacaabo Badme.

Ilaa 80,000 oo askar ah ayaa ku dhimatay dagaalkaas oo horseeday cadowtooyo kharaar oo ay labada dal isku qaadaan, gaar ahaan iyadoo ay Itoobiya diidday inay ciidankeeda ka saarto magaalada Badme xitaa markii ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ay inta badan dhulkaas u xukmisay Eritrea.

Waxaa dib u qabsaday ciidamada Eritrea markii uu socday dagaalkii Tigray bishii November 2020.

map

Kaddib dagaalkii 1998, Itoobiya iyo Sudan ayaa dib u bilaabay wada hadal dheer oo lagu xallinayo meesha saxda ah ee xadka dhererkiisu yahay 744km (462 meyl) ee u dhaxeeya.

Meeshii ugu adkeyd ee la xallin waayay waxay noqotay Fashaga. Marka la eego heshiisyadii xilligii gumeysiga ee sanadihii 1902 iyo 1907, xadka caalamiga ah wuxuu gaarayaa ilaa bariga.

Tani micnaheedu waa in dhulka ay leedahay Sudan – balse Itoobiyaanka ayaa degay deegaanka iyagoo halkaasi beero ku yeeshay isla markaana canshuurta siinayay dowladda Itoobiya.

‘Heshiiska oo lagu cambaareeyay inuu ahaa gorgortan qarsoodi ah’

Wada xaajoodyada labada dowladood ayaa ku soo dhammaaday heshiis sanadkii 2008. Itoobiya ayaa garowsatay xadka sharciga ah balse Sudan ayaa u oggolaatay Itoobiyaanka inay halkaasi isaga sii noolaadaan iyagoo aan wax dhibaato ah loo geysan.

Wuxuu ahaa kiis cajiib ah oo muran xudduudka ah lagu xalliyay qaab aysan dhib ka soo gaareyn dadka ku nool xadka; muddo tobnaan sano ah ayay is dhex degganaayeen dadka labada dal ilaa hadda, oo ay Itoobiya sheegatay gacan ku heynta deegaankaas.

Wafdigii Itoobiya ee heshiiskii 2008 waxaa hoggaaminayay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda TPLF, Abay Tsehaye.

Kaddib markii TPLF laga qaaday xukunka Itoobiya sanadkii 2018, hogagamiyeyaasha qowmiyadda Amxaarada ayaa cambaareeyay heshiiskaas waxayna ku sheegeen inuu ahaa gorgortan qarsoodi ah oo aan la tashi laga sameyn.

Labada dhinacba fakrado kala duwan ayay ka aaminsan yihiin waxa sababay dagaalkii Fashaga. Waxa xigay ee dhacay muran kama taagna: ciidamada Sudan ayaa dib u riixay Itoobiyaanka iyagoo ku qasbay dadkii meesha degganaa inay isaga baxaan.

Sudanese Army's deputy chief of staff, Lieutenant General Khaled Abdin al-Shami (2nd L), is seen ahead of his speech to the press as Sudanese army has retaken control of an area in the al-Fashqa border region with Ethiopia on December 29, 2020, in eastern Al -Qadarif State, Sudan.
Madaxda milatariga Sudan ayaa wacad ku maray inay gacanta ku heyn doonaan dhulkaas

Shir goboleed ay Djibouti ku yeesheen 20-kii December, ayuu Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok arrinta ku soo qaaday dhiggiisa Itoobiya Abiy Ahmed.

Waxay isku raaceen inay wada xaajood galaan, balse midkoodba wuxuu watay shuruud. Itoobiya waxay Sudan ka dooneysaa inuu magdhow siiyo qowmiyadaha uu dagaalku saameeyay; Sudan waxay dooneysaa in heshiiska lo laabto.

Iyadoo ay wufuuddu wada hadlayaan, waxaa dhacay dagaal kale, oo ay Sudan ku eedeysay ciidamada Itoobiya.

Marka la eego murannada xadka, dhinac walba wuxuu falanqeyn u gaar ah ku sameeyay taariikhda, sharciga iyo heshiisyadii qarni jirsaday ee gumeysiga. Balse waxaa sidoo kale calaamad u ah labo arrin oo waaweyn – mid walba waxaa daaha ka rogay isbeddelka siyaasadeed ee Mr Abiy.