Writen by Qaran News |

Dowladaha Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay u adeegsatay deegaanka Duumaa ka fuliyay  gudaha waddanka Suuriya, hadaba maxaad kala socotaa goobaha ay bartilmaameedsadeen iyo khasaaraha ka dhashay?

In ka badan boqol gantaal oo qoorkood ay hawada ku bur-buriyeen ciidamada Suuriya ayaa lala beegsaday goobo la sheegay in lagu sameeyo amaba lagu baadho hubka kiimikada, waxaana goobahaasi ka mid ah xarunta lagu magacaabo Scientific Research ee ku taal deegaanka Barzeh.

Sidoo kale waxaa ay xulufada Mareykanka beegsadeen saldhigyo ciidan oo ku yaal magaalada Homs.Wali lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay weeraradaasi, balse waxaa la bur-buriyay goobaha la weeraray.

Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa sheegay in ay ku guuleysteen weeraradaasi, islamarkaana ay si hubaal ah u beegsadeen goobihii ay cayinteen.

Waxa ay sheegeen in ay soo afjareen weerarka ay ku iclaamiyeen Suuriya islamarkaana laga gaadhay natiijiadii laga rabay.

Ruushka oo isagu garab taagan dowladda Suuriya ayaa sheegay in uu ka fal-celin doono weerarkaasi.