Sweden oo Diiday in la Dhiibo Laba Nin oo Turkigu Doonayey
SWEDEN(Qaran)-Maxkamada sare ee dalka Sweden ayaa diiday dalab uga yimid dawladda Sweden dhiigeeda dalka Turkeyga,kaas oo lagu dalbanaayey in Turkey loo dhiibo laba nin oo eedaysaneyaal ah.
Maxkamadda sare ee Sweden ayaa qoraal ay soo saartay ku diiday in la dhiibo laba nin oo ay dawladda Turkey raadinaysay muddo dheer,kuwaas oo ay ku eedaysay in ay ka tirsan yihiin ururka mucaaridka ah ee uu hogaamiyo Sheekh Fatxulaah Gollan,waxaanay maxkamadda sare ee Sweden caddaysay in aanay labadan nin wax dambi ah ka gelin dalalka Scandinavian-ka,sidoo kalena waxa ay sheegtay in aanay codsiyada Turkeygu buuxin shuruudaha dambiyada laba dawladood isugu dhiibi karaan dambiileyaal.
Dawladda Turkey ayaa ku eedaysay ururkan oo uu hoggaamiyo wadaadka lagu magacaabo Fatxulaah Gollan oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka in uu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkeyga sannadkii 2016-kii, iyada oo wixii intaas ka dambeeyey ku daba jirtay xubnaha ururkaas.
Dawladdaha Turkey iyo Sweden ayaa hore khilaaf uga dhaxeeyey,kaas oo sababay in dawladda Turkey ay diido in Sweden ay ku biirto gashanbuurta NATO,waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkoodu sii cakirmo.
Xabaal-wadareedyo Laga Helay Suudaan oo Walaac Dhaliyay
Hargeysa(Qaran)-Xabaal wadareed ayaa laga helay gobolka Daarfuur ee Galbeedka dalka Suudaan,sida ay baahisay warbaahinta maxaliga ah ee dalka Sudan maanta oo Khamiis ah.
Xabaal wadareedkan ayaa la sheegay in ay ku aasan yihiin dad gaadhaaya ilaa 87 qof,waxaana helitaanka xabaal wadareedkani kusoo beegmaysa xili uu socdo shir madaxeedka gobolka oo ay marti gelisay dawladda Masar,kaas oo lagu doonaayo in xal loogu helo xaaladda dagaal ee dalka Suudaan.
Xafiiska xuquuqal Insaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay hayaan xog lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan in ciidamada gurmadka deg deg ah ee RSF loo soo gaabiya ay mas’uul ka yihiin dadkan la laayey ee xabaal wadareedka lagu wada aasay.
Warkan kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqal Insaanka ayaa lagu sheegay in dadkan xabaal Wadareedka lagu riday ay ku jiraan dad kasoo jeeda dadka loo yaqaano Masaalitka,taas oo muujinaysa in dilkani salka ku hayo isir nacayb.
Bayaan uu soo saaray xafiiska Xuquuqal Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dadka ay kasoo jeedaan dadkan la laayey lagu khasbay in ay dadkoodan ku aastaan meel u dhow magaaladda Al-Jenayna intii u dhexaysay 20-kii June ilaa 21-kii June.
Qoomiyadda Masaalitka ayaa ka mid ah qoomiyadaha aan Carabta ahayn ee ku nool gobolka Daarfuur ee dalka Suudan.
Booqashada Ra’iisul-wasaaraha Hindiya ku Tagay Faransiiska
Hargeysa(Qaran)-Ra’iisal wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa gaadhey dalka Faransiiska,iyada oo ay dalkaas uga bilaabmi doonto booqasho muddo laba cisho ah qaadan doonta.
Dawladdaha Hindiya iyo Faransiiska ayaa la filayaa in ay kala saxeexdaan heshiis ay dawladda Hindiya kaga iibsanayso dawladda Faransiiska hub kala duwan oo ay ku jiraan Diyaaraddo iyo Maraakiibta badda hoosteeda marta ee Gujiska loo yaqaano.
Ra’iisal wasaare Modi ayaa dalkaas gaadhey maanta oo Khamiis ah,kadib markii uu marti qaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Faransiiska Emmanuel Macron,sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Hindiya.
Dhanka kalena ciidamada Dalka Hindiya ayaa ciidamada dalka Faransiiska kala qayb geli doona dholatus military oo dalkaas ka dhici dona maalinta Jimcaha ee berri.
Gegida diyaaraddaha ee magaaladda Baris waxa ra’isal wasaaraha dalka Hindiya kusoo dhaweeyey dhiggiisa dalka Faransiiska Elisabeth Borne iyo xubno kamid ah qurba joogta Hindiya ee dalka Faransiiska.