Switzerland oo daahfurtay Mashruuc ay ka Fulinayso Somaliland
Hargeysa(Qaran)-Dalka Switzerland ayaa shaaciyay inay daahfurtay wejiga labaad ee mashruuc ay ka fulinayaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulan lagu qabtay caasimada Hargeysa, isla markaan aay ka qeybgaleen Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Md. Siciid Sulub iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaarada iyo marti sharaf kale ayaa qoraal safaarada Switzerland ka soo saartay lagu sheegay.
“Safaarada Switzerland waxaa sharaf u ah in uu qayb ka noqdo daah-furka wajiga 2aad ee mashruuca adkeysiga ee gobolka Awdal ee Somaliland.
Qoraalka Safaarada ayaa la raaciyey inay wada shaqeyn dhow la wadaagaan xukuumada Somaliland,
“La shaqaynta dawladda Somaliland iyo hay’adda cuntada adduunka (FAO) waa wax ka qabashada caqabadaha quudka iyo calafka ee silsiladda qiimaha xoolaha. Bogaadin dhammaan daneeyayaasha sida ay uga go’an tahay.”