Writen by Qaran News |

Taallo cusub oo dhawaan loo sameeyay ciyaaryahan Maxamed Salaax oo u dheela qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ayay dadka baraha bulshada isticmaala ay aad ugu shactaraysteen, iyaga oo barbardhigaya taalladii hadda ka hor Cristiano Ronaldo loo sameeyay ee markii dambana la baddalay.

Tallada Mo Salaax ayaa taalla barxadda shirka dhallinyarada adduunka ee WYF oo hadda ka socda magaalada Sharm al-Sheikh.

Mai Abdel Allah oo ah qofka sameeyay taallada ayaa ayaa warbaahinta Masar u sheegay in sababta uu u sameeyay ay tahay in Saalax uu u taagan yahay wanaagga dhallin yarada Masar.