TAARIIKH LAMA ILLAAWAAN DHEH: LAMA JOOGO XILLIGII XUKUNKII SIYAAD BARRE EE AAN LA KALA LAHAYN DALALKA IYO DAWLADAHA.

Somalidu waa kala leedahay dalalka iyo dawladaha. Muwaadinka dalkasta oo Somaliyeed waa dadka u dhashay ee leh dalkaas. Ma jiro wax la dhaho muwaadin Somaliweyn. Shanta (5) caasimadood ee shanta (5) dal ee Somaliyeed waa la kala leeyahay lakiin dadka dalkasta waxaa ka dhaxeeya calanka iyo maamulka dawladda dhexe ee heer qaran inkasta oo qofku ku noolaankaro, ka shaqaysankaro, ka ganacsankaro, waxna ku barankaro meesha uu doono ee dalkiisa gaarka u ah. Duqa iyo maamulka magaalokasta ee dalkasta oo Somaliyeed waxaa leh oo qura dadka degaanka magaalada u dhashay.

Lama joogo xilligii xukunkii kelitaliye Siyaad Barre oo Xasan Abshir oo u dhashay Garoowe uu Muqdisho ka ahaa Duqa Magaalada Muqdisho halka uu ka noqon lahaa duqa magaalada Garoowe ama Bile Rafle Guuleed oo u dhashay Somali Galbeed uu Hargeisa ka ahaa guddoomiye gobol halka uu guddoomiye gobol ka noqon lahaa Godey. Adan Gabyow oo isna noqday wasiirka gaashaandhiggq Somalia halka uu ka noqonlahaa wasiirka gaashaandhiggq ee Kenya.

Magaalooyinka Jabuuti, Hargeisa, Jigjiga iyo Garisa waxaa midkasta leh dadkeeda laakiin dadka dalka waxaa ka dhaxeeya calanka iyo maamulka dawladda dhexe. Muqdisho waxaa leh dadkeeda laakiin dadka Somalia waxaa ka dhaxeeya calanka iyo maamulka fadaraalka.

Dawladdii rayidka ahayd ee la odhanjiray Jamhuuriyadda Somalia (1960-1969) ma jirin xukunkii Siyaad Barre ka hor wax la dhaho dawlad Somaliweyn ah, waxaana jiray sharci u diidayay in qof ka yimid 3da kale ee Somaliyeed wax ka noqodo ama shaqo laga siiyo Jamhuuriyaddii Somalia. Muwaadiniintu waxay ahaayeen dadka u dhashay Jamhuuriyaddii ka dhaxaysay Somalia iyo Somaliland u qura. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo noqday ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay Somalia (1960-1964), jagadaas oo laga boobay Reer Waqooyiga, waxaa uu xilligaas wareegto u kala diray wasaaradihii iyo hay’adihii dawladda waxaanu wareegtadaas ku amray in Somalida ka timid Somali Galbeed, NFD iyo Jabuuti aan shaqo laga siinkarin dawladdii Jamhuuriyaddii Somalia balse loo aqoonsado qaxooti maadama aanay ahayn muwaadiniin u dhalatay Jamhuuriyaddii Somalia.

Xukunkii Siyaad Barre ayaa qabyaalad awgeed ka dhigay Jamhuuriyaddii Somalia mid ay leedahay Somaliweyn, waxaanu ku soo fasaxay Somalidii Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti. Wuxuu ka dhigay dalkii dal fawodo ah oo aan la kala lahayn, dawladnimadiisana waxaa uu ka ka dhigay mid aan kala lahayn oo ka dhaxaysa 5ta Somaliyeed. Dadkii xoraystay ee lahaa Jamhuuriyadii Somalia (Somaliland iyo Somalia) waxaa laga dhigay qaxooti dawladoodii laga qaaday, waxaana dadkii ka yimid Somali Galbeed, NFD iyo Jabuuti laga dhigay muwaadiniin oo qabsaday dawladnimadii, ciidan iyo rayidba, waana mid ka mid ah sababihii keenay in dadkii u dhashay Somaliland iyo Somalia ka horyimaadeen xukunkii Siyaad Barre si ay dawladnimadii laga boobay ula soo noqodaan, taas oo ay ku guulaysteen January 1991.

Fadaraalka Somalia (Koonfurta) dhibaatada ugu weyn ee maanta haysataa waxa weeye malaha muwaadin qeexan oo u gaar ah, waxaana muwaadin u ah 5ta Somaliyeed. Muwaadinkeedu waa Somaliweyn oo aan summad lahayn. Sidaas daraadeed, lama sugikaro amnigeeda, lama qorshaynkaro horumarka dalka, lama ogaankaro baahida dadkeeda, kuwa u dhashayna kama sheegankaraan kuwa ku soo duulay iyaga oo ku gabbanaya magaca Somaliweyn.

Somalidu sida Carabta waa isku Diin, af, midab,dhaqan, caado iwm waxayna ka kala xoroobeen Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga. Carabtu waa ilaa 18 dal, Somaliduna waa 5 dal. Ninka u dhashay Jordan ama Ciraaq sharci la’aan ma gelikaro ama jago/derajo/shaqo kama helikaro Masar ama dal kale oo Carbeed sababta oo ah uma dhalan. Masar iyo Suuriya ayaa midoobay 1958 waxayna midnimadaasu burburtay 1961. Dalkasta oo Carbeed isaga ayaa leh xuduudiisa ku salaysan xuduudihii gumaysiga, dhulkiisa iyo dawladnimadiisa, Somaliduna kama duwana. Carabweyn iyo Somaliweyn waa isku mid lamana garanayo inay hirgeli iyo inkale.

Ibrahim Hassan Gagale
May 24, 2022