Taariikhda Mahadhada reebtay ee uu gacantiisa ku qoray Musharraxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI.
Doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland oo dhacday 2005 waxa guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doortay inuu hoggaamiyo Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo mudo 12 sano ahaa hoggaaminayay golaha, waxa sanadkii hore 2021 xilkaas uu musharrax Cirro ku dhisay Guddoomiyaha hada Golaha Wakiillada Fadhiya Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ahaa guddoomiye kuxigeenka xisbiga.
markii la aas-aasay xisbiga Waddani toban sanno waxa majaraha u hayay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ahaa aas-aasaha iyo bud-dhiga xisbiga.
waxa isla sanadkii hore (2021) xilkaas loo cumaamaday oo cod aqlabiyad ah lagu doortay Md Xirsi Cali Xassan oo hore u ahaa hoggaamiyaha xisbiga WADDANI, waxaana ka tanaasulay musharrax Cirro oo xaq u lahaa in mar labaad loo doorto guddoomiyaha xisbiga, isaga oo ku dhisay inuu gudoomiye noqdo Mudane Xirsi.
labada Guddoomiye ee kala ah Cabdirisaaq khaliif Axmed iyo Xirsi Cali Xassan waxay labadooduba iska soo casileen 2015-kii xukuumadii Siilaanyo, iyaga oo markii dambe ku soo biiray xisbiga waddani 2016-kii. maantana waxa ay ku fadhiyaan labadii boos ee uu ku fadhiyi jiray Musharrax Cabdiraxmaan Cirro. waana inta uu dheer yahay siyaasiyiinta Soomaalida oo madaxweynaha xilku ka dhamaaday uu kow ka yahay ee ilaa imika laga fur furi kari laayahay xisbigii hagbada loogu dhiibay.
Hadii Bilada abaal celinta iyo tanaasulka cid la siin lahaa, anigu waxa aan qabaa inuu ku haboon yahay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro oo labadaas kursiba si dhab ah ugu dhisay labadaas gudoomiye. Cashirka iyo cibaarada curdinka ah ee Cirro soo kordhiyay ayaa noqon doonto mid lagu qaato fasalada siyaasada lagu barto ama goobaha lagu kar-kariyo siyaasada.”
W/Q: Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Heer Qaran
Mudane Cabdirashiid Cabdi Jaamac
May be an image of 4 people, people standing and people sitting