Writen by Qaran News |

Cajiibka taariikhda!

Taariikhdii hore Somaalida ama geeska africaba waxaa ku jirtay kenya oo haysata dhul soomaaliyeed (NFD) ka dibna Somaliya dhulkaas waxay kaga tanaasushay heshiis markhaatiyo lahaa.

Taariikhda Cusub ee hadda qoristeedu Socoto waxay dhigaysaa Dawlada Kenya oo ay Somaliya ka haysato dhul ay lahaan jirtay( maaha xuduuda badda ee muranku ka taaganyahay) Kenya waxay sheeganaysaa qaybo badan oo ka mid ah gobalada jubooyinka.

Arrintan waxay kusoo beegmaysaa waqti ay Itoobiya soo saartay khariidad (map) ay Somaliya ka maqantahay iyo qorshaha Abiy Ahmed ee midaynta Somaliya iyo Itoobiya!

Waqti sanado badan laga joogo waxaan balaf ku maqlijiray hadalhayn odhanaysay Somaliya waa laga saarayaa khariida aduunka oo saxaafada qaar si hoose uga hadli jireen!

Intaa markaan isugeeyo ee aan ku daro tafaraaquqa iyo talo-xumada somaalida maanta waxa ii soo baxaysa natiijo werwer leh.

Meelo badan oo bcaalamka ah oo uu ku jiro geeska Africa waxa ka socota DIB-U-QORID TAARIIKHEED( Rewriting The History) arrintan oo keeni karta in wax wayni iska bedelaan nolosha dhaqan dhaqaale ee bulshooyinka qaar, isbedelkaas oo saamaytiisu noqon karto mid togan iyo taban labada. Waxayna ku xidhantahay quruun kastaa sida ay u maal-gashato mustabalkeeda, firfircoonidooda iyo feejignaantooda.
Waa NINBA TACABKII TOGOW KAA MAAL.
NINKII SEEXDUU SICII DIBI DHALAYAA!

Sahaminta Aayaha Somalida ee waqtiga dheer sidee kuula muuqdaa?

Mohamed Hussein ( Samadoon).

alhusseini114@gmail.com