Writen by Qaran News |

Taariikhdu been ma sheegto lagamana sheegi karo

Hordhac.

 

Tusmadan waxaan rabaa in aan ku bayaamiyo xaladii Nagaad ee maalinta  haweenka aduunka ee sideedda Maaro 2018, lagu qabtay habeenkii jimcaha Hotel Maansoor ee magaada Hargeysa. Xaladaas lagu sheegay in ay ahayd 20 guuradii ka soo wareegtay asaaskii Nagaad iyo maalinta haweenka. Waxaa lagu soo bandhigay nagaad siday ku asaasantay, cidii asaaskeeda lahayd iyo ujeedadii laga lahaa

.

Waxaa madasha laga sheegay in dumar la macag dhabey welibana aad moodaysey in xayeeysiis loo samaynayo sida loogu nuuxnuusaayey oo aad moodo in hadiyad loo siiyey Nagaad. Waxa layaab noqotay cunsuridda, ka been sheegida iyo marin habaabinta dadkii asaasay iyo ujeedooyinkii laga lahaa Nagaad. Waxa meesha laga saaray dadkii tiir dhaxaadka u ahaa fikirka iyo isu keenidda haweenka Somaliland markii dagaalkii sokeeye laga soo doogay iyo kaalintii ay ku lahaayeen mid dhaqaale, fikir iyo mashaaricba. Taasoo ujeedada laga lahaa ahayd in ay yeeshaan cod iyo cudud midaysan haweenka somaliland.

Nasiibdarooyinka ku habsaday, waxa ka mid ah in koox gaar ahi dhaxda ku maraty iskana dhaadhiciyey in keligood naf iyo maalba u hureen cid kalena wax uga ogolayn. Gebi ahaana cirka u calaamadiyeen dadkii ay ahayd inay libinta u qiraan kuna qadariyaan oo ay ka mid yihiin Hibaaq xaaji Ibrahim ( Basbaas) iyo Faaisa Jaamac Maxmed Qaalib. Dumarka Somaliland oo aan bislayn ayey isu keeneen dalladaana (Nagaad) samaynteena ku dhiiriyeen kalana qayb qaateen  si cod mida ay u yeeshaan aduunkana wax ula qaysadaan. Waxay u sahleen in ay ku xidhmaan hay’adaha caalamiga ah kuna guulaysteen in ay Nagaad hesho mashaariic waaweyn oo horumarineed. Xafladaas la isku baaweynaayey dumarkii ka hadlaayey carrabku kaga dhicin magacoodii iyo dawrkay ku lahaayeentoona.

 

Anigu waxaan ka mid ahaa ururadii samafalka ka bilaabay gobolka Sanaag 1995tii isla markii dambena ku xidhnaa Nagaad ee laga soo casumi jiray gobolka Sanaag aadna xogogaalka ugu ahaa. Waxa  fajaciso kale igu noqotay gabadhii Agaasimaha ka ahayd xiliyadaa (2000-2005) aan casuumadaha Nagaad ka heli jirey oo ahayd waqtigii uu Nagaad magaceedu meeshii ugu saraysey gaadhay isla markaana ka qayb galka siyaasadda ee haweenku la bilaabay meesha ay maanta joogto ee cunsuradda iyo isdhexyaaca anha meel ka saraysa Agaasimahaasi gaadhiisay. Waxay u dhbar adaygta oo ka midho dhilisay mawjadihii iyo caqabadihii bulshada aan u bislayn dumarku inay siyaadda  soo galaan iyo dawladda oo aan diyar u ahayn. Gabadhaas oo waxyaabahii ay ku faanayeen iyo guulaha ay sheegeen in ay gadheen ku suntanayd oo aan meesha lagu soo hadal qaadin

Arrintaasi waxay i xasuusisay murti soomaaliyeed ahayd “waxba yaanu  xeerkay i marin xoolana i siine, xaashee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe”.

Gebagebadii, Nagaad waxay ka leexatay doorkii dhexdhaadnimo ee ku metelaysay bulshada (civil society) waxay ku biirtay kana mid tahay urur dawladda Somaliland ee NOW kuna biirtay Xisbig Kulmiye. Waxa marag cad oo aan la dafiri karin u ah dawladdii Siilaanyo dumarkii xilalka ka hayey dhamman waxay ahaayeen dumarkii Nagaad oo aan cid kale taraxin.

Wa Billaahi tawfiid