Tababar Berbera loogu soo Xidhay Masuuliyiinta Degmooyinka dalka

Berbera(Qaran news)-Waxa maanta magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil lagu soo gebo-gebeeyay tabobar halkaas uga socday mas’uuliyiinta degmooyinka dalka saddexdii cisho ee u dambeeyay.

Tabobarkan ayaa waxa qayb ka ahaa maayir ku xigeenada degmooyinka dalka,waxaanu tabobarkani ku saabsanaa buug yaraha haggaha kabka dawladdaha hoose ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland,waxaana xidhitaankiisii ka soo qayb tabobarkan Guddoomiyaha Gollaha Deegaanka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin),ku xigeenka guddoomiyaha gobolka Saaxil iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka socotay machadka dawladdaha hoose ee dalka.

Waxa halkaas hadal ka jeediyay agaasimaha Machadka dawladdaha hoose ee dalka Iid Muuse Maxamed,waxaanu ugaga mahadceliyay mas’uuliyiinta tabobarkan loo soo xidhay sidii ay tabobarkan waqtiga ugu soo hureen,isaga oo tabobarkaas soo xidhay.

Waxa isna halkaas ka hadlay Maayirka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin),waxaanu ka warbixiyay sida ay u wada shaqeeyaan dawladdaha hoose ee dalku,isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in haggeyaasha ay barteen intii tabobarku socday loo baahan yahay in ay taabo qaad noqdaan,waxaanu kula taliyay mas’uuliyiintii tabobarka ka soo qayb galay in ay cashuurta dadka ku celiyaan,si ay iyaguna cashuur bixiyeyaal u noqdaan.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Saaxil oo si rasmi ah tabobarkaas u soo xidhay ayaa tilmaamay in sida ay maayiradda iyo goleyaasha deegaanada degmooyinku u wada shaqeeyaan ay u ekaanayaan magaalooyinka dalkuna.