Tababar loo Qabtay Hablaha Macalimiinta Dugsiyada

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa Kulliyada waxbarashada macalimiinta si rasmiga uga Daah-furay Barnaamijka Tababarka macalimiinta gabdhaha kuwaas oo laga soo kala xulay gobollada dalka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska JSL, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa maanta si rasmiya tababar macalinimo ugu furay 120 hablood, waxaanu sheegay in mudnaantan koobaad ay leeyihiin hablaha ku dhiiraday inay bulshadooda waxbaraan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay rajjo weyn ka qabaan in marka habluhu dhammeystaan tababarka macalinimada, ay masuuliyad weyn iska saari doonaan sidii ay u soo saarilahaayeen arday tayadooda aqooneed dhisan tahay, waxaanu xusay inay aad ugu faraxsan yihiin soona dhaweynayaan in macalimiinta laqaatay ay wada yihiin gabdho.

Qaar ka mida hablaha macalimiinta ah ee tababarka loo furay ayaa wasiirka iyo masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada uga mahadnaqay fursada la siiyay.