Writen by Qaran News |


Tacsi Jaaliyada reer Somaliland ee Greater Manchester UK.

Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Greater Manchester UK, Mudane Axmed Cali Dheere isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka Jaaliyada reer Somaliland ee Greater Manchester UK, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Taliyihii ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, wuxuu ilaahay uga baryayaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisii iyo eheladiisii iyo dhamaan shacabweynaha reer Somaliland,

Ilaahayna inuu Marxuunka qabriga u nuuro oo naxariistii Janatu Fardowsa ka waraabiyo, Aamiin.

Inaalilaahi Wa Inaa ILayhi Raajacuun.

Fuad Fartaag

Afhayeenka Jaaliyada SL ee Greater Manchester UK

Fartaagmuwaadin@gmail.com