Taliban oo hablaha ka mamnuucay waxbarashada Jaamacadaha

Afghan female university students are stopped by Taliban security personnel next to a university in Kabul, Dec. 21, 2022.
Afghan female university students are stopped by Taliban security personnel next to a university in Kabul, Dec. 21, 2022.

Hablaha ku jira waxbarashada saree e dalka Afghanistan ayaa sidii caadada ahayd waxay subaxnimadii Arbaca u kallaheen inay aadaan Jaamacadaha ay dhigtaan, hase ahaatee waxaa iridaha jaamacadaha la dhigay ciidamo ka tirsan ururka Taliban, kuwaas oo hablaha ku wargelinayey inaan loo ogolayn inay galaan jaamacadda maadaama uu xalay soo baxay amar lagaga mamnuucayo waxbarashada sare.

Maamulka Islaamiga ah ee Taliban ayaa xilli dambe oo Salaasadii ahayd waxay ku dhawaaqeen in hablaha laga xayiray waxbarashada sare illaa uu ka soo baxayo amar dambe.

Tallaabadan hablaha lagaga mamnuucay waxbarashada sare ayaa cadho badna ka abuurtay gudaha dalkaas iyo weliba caalamka, kuwaas oo ku eedeeyey ururka Taliban inay go’doominayaan dalkaas.

Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Kabul ayaa arkay, ardayda oo ooyaya, isla markaana laabta isgelinaya, iyaga oo ku sugan afaafka hore ee jaamacadaha, oo ay ku jirto Jaamacadda weyn ee dawliga ah ee Kabul Public University.

Maraykanka ayaa si degdeg ah u cambaareeyey tallaabadan hablaha lagaga mamnuucay jaamacadaha iyaga oo uga digay maamulka islaamiga ah, cawaaqibka ay kala kulmi karaan tallaabadan.