Talo ku socota ciday khusayso=
1, Iyagoo dhamaan sharaf iyo karaamo mudan oo isle dadaala, dadkan kildhiga madaxa la gelaaya HA LAGA JOOJIYO video ga aanay fahansanayn in uu iyaga uu dhibaato ku yahay ee laga soo duubaayo, gaar ahaan deegaanada HAWD AND RESERVE AREA.
2, Dhamaan madax dhaqameedka Somaliland ha joojiyaan kamaradan ay soo hor fadhiisanayaan iyo hadaladan QUBANAHA A.
3, Dhamaan bulshada Somaliland yar iyo wayn ha joojiyaan FICILTANKA dhexdooda nooc kasta oo uu yahay, hadii kale horumar gaadhi maysaan.
4, MUCAARID DAWLADA WAAD KU NOQON KARTAA LAAKIIN BAL QIYAAS BADAWNIMADA AY LEEDAHAY IN AAD QABIIL MUCAARID KU NOQOTAA.
5, HA la taageero sidii nabad waarta looga heli lahaa bariga gobolka Sool iyo Sanaag.
6, Dadka HAWD AND RESERVE AREA si cilmiyaysan ha u raadsadaan xaqooda ay ku leeyihiin dawladooda Ethiopia.
7, Degmooyinka Xarshin, Daroor iyo Gaashaamo mar kasta si wada jira ha uuga hawl galaan danahooda, haday tahay federal ka Ethiopia iyo haday tahay DDS.
8,Dadka ka hor intaan la waraysan ama video laga duubin ha loo sheego waxyaabaha ay denbi ku geli karaan sharciyan sida hadal ama hub uu qofku sito.
9, is waraysiga ha xadido sharci qabanaayana ummada ha u sheegaan hay’adaha ku shaqo lihi, DAYAC IYO DIBU DHAC BADAN SHARCI OO BADAN BAA MUUQDEE.
By Cabdilqadir Ismaaciil Geelle
oo ka mida aqoonyahanada iyo indheer garadka ummada.