Elon Musk

Ninka ugu taajirsan dunida, Elon Musk, ayaa ka caraysiiyay Taiwan, kamid markii uu soo jeediyay inay noqoto gobol kamid ah Shiinaha balse leh maamul gaar ah.

Waraysi uu siiyay wargeyska Financial Times ayuu ku sheegay in fekerkaas aan lagu wada farxi doonin, balse uu rumaysan yahay in labada dowladood ay gaari karaan heshiis u cuntama.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Maraykanka ayaa soo dhaweeyay aragtida Musk, hase yeeshee wakiilka Taiwan ee Washington ayaa ku jawaabay in xorriyadda aan la iibin karin.

Ma aha markii ugu horreysay in ninka ku dhashay Koonfur Afrika uu abuuro khilaaf kala qeybiyay dadka. Mararka kale waxaa kamid ah:

Qorshaha xal u helidda colaadda Ukraine

3-dii October, Elon Musk ayaa Twitter ku soo bandhigay ra’yi ururin ku aaddan qaabka lagu soo afjari karo duulllaanka Ruushka, waxaana uu dadka ka codsaday inay u codeeyaan qaabab ay kamid tahay in Ukraine ay dhulkeeda qaar ku wareejiso Moscow.

Waxa uu soo jeediyay in cod laga qaado dadka ku nool deegaannada uu qabsaday Ruushka, oo haddii ay diidaan ku biiridda Moscow uu markaa Putin la baxo ciidamadiisa.

Musk ayaa sidoo kale ku taliyay in caalamka uu Crimea u aqoonsado gobol kamid ah Ruushka, isagoo sheegay in haddii dagaalka uu sii socdo ay suuragal tahay in la isu adeegsado hubka nukliyeerka.

Ukraine ayaa ka carootay soo jeedinta Musk, waxaana Madaxweyne Zelensky uu isna dadka ku xiran bartiisa Twitter weydiiyay marka ay jecelyihiin ninka ugu taajirsan caalamka: xilliga uu taageero Ukraine mise marka uu la safto Ruushka?

Madaxweynaha Ukraine

Aqalka Kremlin ayaa soo dhaweeyay ra’yiga Musk, waxaana uu afhayeen Dmitry Peskov ku tilmaamay arrin wanaagsan.

2.7 milyan oo cod ayaa laga dhiibtay ra’yi ururinta Musk, waxaana qorshihiisa diidday 60%.

Khasaaraha shirkaddiisa Tesla

Elon Musk ayaa dhowr jeer khasaaro u horseeday shirkaddiisa Tesla, kadib qoraallo u uku faafiyay Twitter.

Bishii November 2021, Tesla ayaa lumisay 5% kadib markii uu maalqabeen Musk sameeyay ra’yi ururin ku aaddan inuu iibiyo saamigiisa shirkadda iyo in kale. 58% codadka la dhiibtay ayaa kula taliyay inuu iibiyo.

Bishii May 2020, Musk ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in saamiyada shirkadda ay yihiin qaali, arrintaas oo shirkadda ka lumisay qiimo dhan 14 bilyan oo dollar.

Elon Musk

Kaftanka Coca-Cola

Bishii April ee sanadkan, Musk ayaa si kaftan ah u sheegay inuu iibsan doono shirkadda cabitaannada samaysa ee Coca-Cola, kadibna uu cabitaannada ku dari doono maandooriyaha cocaine-ta.

Cabitaannadii ay shirkaddu soo saartay markii ugu horreysay 1885 ayaa waxaa ku jiray cocaine laga sameeyay caleenta geedka coca oo xilligaa laga oggolaa Maraykanka.

Hase yeeshee maadadaas ayaa laga reebay cabitaanka Coca-Cola wixii ka dambeeyay1929.

Inkastoo malaayiinta qof ee ku xiran barta Twitter uu ku leeyahay Musk ay soo dhaweeyeen aragtidiisa ku aaddan cabitaanka, haddana waxaa jiray qaar u arkay inuu dhiiragelinayo isticmaalka maandooriyaha.