Xoghayaha Dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xisbiga WADDANI Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa maanta tartan ciyaareed ka furay degmada Maxamuud haybe gaara ahaan garoonka Maxamuud Axmed Cali.
Tartankan oo ay ku tartamayaan Sideed kooxood oo heerka labaad ah kuwaas oo ka dhisan degmada Maxamuud haybe.
Xoghayha dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xisbiga WADDANI yuusuf Tadhase oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u balan qaaday inuu kooxahan ka caawin doono Qalabka ciyaaraha,sidoo kalna garab taagnaan doonaan inta tartankani socdo.
Waxa kale oo uu sheegay in xisbiga waddani uu dhiiri gelinayo is dhex galka dhallinyarta iyo ciyaaraha si looga hortago balwadaha iyo tahriibta.
Furitaanka tartankan Ayaan haba yaraate waxa aan ka soo qayb gelin wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo xidhiidhka kubada cagta oo ay tahay shaqada ay dawlada u hayaan.
Xisbiga Waddani.