Writen by Qaran News |

  1. TARTANKA QUWADAHA ADUUNKA EE QAARADA AFRICA , GEESKA AFRICA IYO KU SOO URURKA MARIN BIYOODKA BADDA CAS !!!

Waa maxay sababta ay dawladaha aduunku u danaynayaan Africa, Geeska Africa iyo marin biyoodka badda cas ?

Waa su’aal qofkasta oo la socda xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka Geeska Africa iyo Guud ahaan siyaasada aduunkuba isweydiinayo ?

Qaarada Africa guud ahaan waa qaarad ka kooban shan gobol oo kala ah Afrikada Bari , Afrikada waqooyi Afrikada Galbeed , Afrikada koonfureed iyo Afrikada dhexe , shanta gobol ee Afrika dhamaantood waa qaar leh muhiimado waaweyn oo qaarada Afrika iyo aduunkuba aanu ka maarmin.

Qaarada Africa waa qaarad guud ahaan dihin oo khayraadkeedu wali aan la fur-furin oo uu duuban yahay amaba u aasan yahay , siyaasada aduunka ka socotaa guud ahaan waxa ay ka kooban tahay oo lagu tartamayaa sadex shay oo kala ah 1- Dhaqaale 2- Awood 3- Gudbin aragti iyo mabaadii oo uu dalwaliba xulafo ku raadinayo.

Sanadahaa ugu dambeeyey waxaa dhacay in qaarada Africa uu dalka shiinuhu shir u qabtay maadaama oo uu yahay quwadaha maanta aduunka isku haya ee ku tartamaya xaga dhaqaalaha iyo awoodaba , sidaasi oo kale dalka ruushka ayaa isna la shiray guud ahaan Africa oo aad u danaynaya in soo galaangalo tartanka loogu soo jiro qaarada Africa.

Waxa aan la yareysan karin dalka Turkiga oo isna ah quwad imika iskala bixinaysa oo guud ahaan Africa ku soo bilaabay galaangal iyo xidhiidh wadamo badan oo galbeedka , Bariga iyo Waqooyiga qaarada Africa ah xidhiidho la saameeyey dhinacyo badan leh .

Sadexdan dawladood ee China , Russia iyo Turkey waa qaar hadda saameyntooda laga dareemayo guud ahaan aduunka Africa na waxa ay tahay meelaha lagu tartamayo ee la rabo in midwaliba uu suuq siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ka hello .

Waxa iyaduna cusub oo aduunka aad loo qaadaa dhigayaa xidhiidhka dhex maray Jamhuuriyada Somaliland oo aan aduunka aqoonsi caalamiya ka haysan oo ay hore isugu dawlad ahaan jireen Jamhuuriyada federalka Somalia iyo Taiwan oo iyaduna dalal dhawr ahi aqoonsan yihiin laakiin uu dalweynaha shiinuhu aanu ogoleyn in ay madax banaanaato .

Xaalada kale ee xiligan hadal haynteeda saameynteedu Qaarada iyo Gobolkaba haysataa waa xiisada ka dhalatay biyo xidheenka dalalka Ethiopia iyo Egypt isku hayaan oo saameyntiisa xoogan ee siyaasadeed iyo xaaladeed ba ay muuqato iyo dhaq-dhaqaaqyadiisuba.

Dhinaca kale waxa Africa hore u soo maray oo ilaa maanta saameyn siyaasadeed nololeed , cilmiyeedba ku leh dawladaha reer Yurub oo inta badan aan marnaba ka qoob qaadin ilaa 1884 kii markii qaarada Africa ay Berlin ku qaybsadeen in ay gumeystaan , waxa isaguna jira dawlada maraykanka oo ah quwada aduunka ee hadda oo aanay siyaasad ahaan kala fogeyn reer yurub oo leh isaguna xulfi siyaasadeed oo Bariga dhexe iyo aduunka guud ahaan wadamo badan ku leh.

Qaarada Africa waa qaarada sidaasi loo danaynayo ee ahmiyada intaa leeg ku leh aduunka oo maanta xiliga la joogo loo wada baahan yahay, waa xiligii ay Africa iyaduna ku biiri lahayd quwadaha aduunka hadii ay wax badan oo dib u dhigay ka xorowdo wax badan oo kalena ku midoobi karto.

Hadii aynu u soo noqono Gobolka Geeska Africa waxa ahmiyada gaar ah loo siinayaa dhawr wax oo ay muhiimada u yeelatay oo kala ah;

1- Gobolka Geeska Africa waxa uu ku yaalaa goob istraateji ah oo aduunka oo dhami u baahan yahay, waxaana ka mid marinbiyoodka Badda cas iyo badweynta Hindiya oo gobolku wejahad ku leeyahay gaar ahaan dalalka Somaliland iyo Somalia.

2- Waa Gobol leh kheyraadka dabiiciga ah ee aduunka ka sii gabaabsiga noqonaya ee kala ah , Saliida caydhiin , gaasta dabiiciga ah , dhuxul-dhagaxda , macdanaha kala duwan ee loogu baahida badan yahay, iyo waliba dhul ku haboon wax beerashada , bad dihin oo khayraad ka buuxo iwm.

3- Waa Gobol u ah albaab Africa laga gallo oo aad loo wada danaynayo in dalwaliba badiisa iyo barrigiisa yimaado oo uu ka sameysato xarun .

DURUUFAHA KU XEERAAN GOBOLKA GEESKA AFRICA

Gobolka Geeska Africa waxa ku xeeran duruufo badan oo adag oo aad ula hadhay oo u suurogalin waayey in uu noqdo gobol horumarsan marka loo eego gobolada kale ee qaarada Africa oo uu aad uga dambeeyo kuwaasi oo ay ka mid yihiin;

1- Colaado iyo dagaalo guun ah oo aanu gobolkani madaxaba kor uga qaadin ilaa inta taariikhda la garanayoba kuwaasi oo u dhaxeeyey dadka Gobolkan wada degen iyo dawladihii iyo boqortooyooyinkii ka talinayey wadamada Ethiopia, Somalia, Erateria iyo intii aanay dalalkani magacyadan lahaynba kuwaasi oo ilaa maanta aanay riiqdoodii hadhin.

2- Gobolka Geeska Africa oo xarun dagaal u noqday aduunka ka dib markii uu gabaad u noqday argagixisada caalamiga ah iyo wadamada la dagaalama oo isla soo gallay Gobolka Geeska Africa isla markaana dagaalkoogaasi gobolkii ka dhigey garoon dagaal ( battle ground ) taasi oo saameyn nololeed , dhaqaale iyo dib u dhac ku keentay bulshada ku nool gobolkani.

3- Siyaasada Bariga dhexe iyo wadamada khaleejka oo saameyn xoogan ku yeelatay arimaha siyaasadeed iyo hogaamineed ee gobolkani iyo waliba wadanka Turkey iyo dawlado badan oo kale oo ku cusub oo iyaguna raba in ay gobolkani door siyaasadeed ku yeeshaan , oo iyaguna dar-dartooda wata.

4- Badda Somalia oo ay ka dilaacday budhcad badeed ka dib markii ay burburtay Jamhuuriyada Somalia isla markaana ay u kala jabtay Somaliland iyo Somalia oo midina nidaam dawladnimo dhisatay midna intaasiba aduunku isku dayayey in uu wax u dhiso oo hadda aad moodo in ay cagaha dhulka la soo helayso.

SIDEE AY AFRICA IYO GEESKU UGA FAAIIDEYSAN KARAAN ADUUNKA KU SOO WEJAHAN ?

1- Africa waa ay ka faaiideysan kartaa dhamaan wadamadaa danaynaya ee qaarada u soo ooman , hadii midowga Africa ka soo saaro siyaasad guud oo aan qaaradana dib loogu qabsan dalwalibana uga faaiideysto cidii horumar wadda.

2- Africa waxa ay tahay suuqa ugu weyn ee aduunku wax keeno , taasi waxa ay u baahan tahay gorgortan iyo in Africa waxa ay iibsanayso cida ka iibinaysa ay kula shuruutanto mashaariic maalgashi oo siyaasad ka madax banaan oo dadka Africa oo aduunka ka dambeeyaa ka faaiideystaan.

3- Africa in ay abuurto walaalnimadii iyo wadaniyadii isjacaylka Africa ee xiligii gobanimo doonka jirtay , oo wax badan la fududeeyo isla markaana go’aanada midowga Africa iyo hawshooda la dardar galiyo iyada oo lagu soo bislaynayo urur goboleedyada qaarada.

4- Africa waxa ay u baahan tahay hogaamiyeyaal hami fog iyo himilo sare leh oo ay ku dheer tahay in ay qaaradani noqoto mid aduunka hogaamisa kana baxda dib u dhaca , dagaalada , faqriga , gaajada iyo horumar la’aanta oo ka midho dhaliya fursadaha .

Waxa aduunka la isla yaqaanaa in marba meel aduunku ku ururo oo lagu tartamo imika waxa la saadaalinayaa qarnigan socda in Africa aduunka oo dhami danaynayo meelaha ugu mudan ee la wada rabo waxa ka mid ah Gobolka Geeska Africa iyo Marin biyoodka aduunka u muhiimka ah ee Badda Cas oo labadaasiba ay Somaliland tahay dalka ugu haboon albaabka u ah Gobolka Geeska Africa, Isla markaana Badda cas ay tahay dalka ugu dheer ee xuduud la leh 900 km ku dhow.

Fursado badan ayaa ugu jira dalka Jamhuuriyada Somaliland oo aan isagu aqoonsi caalamiya haysan laakiin xidhiidho wanaagsan la leh dawlado badan oo aduunka ah , kuwaasi oo u sahli kara in uu sii sameeyo xidhiidhi diblomaasiyadeed iyo qaar ganacsi iyo horumarineed oo ay Somaliland dadkeeda ugu abuurto nolol wanaagsan iyo horumar la taaban karo hadii ay ka faaiideysato tartanadaa !

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil