Writen by Qaran News |

charles-kerich

 

“Sheeko Somalilad ku saabsan oo dad is hayaa been-abuureen” Sidaa waxaa yidhi afhayeen u hadlay wargeyska Star ee ka soo baxa dalka Kenya oo dhowaan faafiyey war sheegayey in Nairobi ay ku kulmeen guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland iyo xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ee isla markaana ah murashaxa xisbigiisa iyo raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

Warkan oo uu wargeysku daabacay Salaasadii shalay, isla markaana ku baahiyey degelkiisa Internet ka, ayaa uu kaga sheekeeyey qaabka warkan uu imika beeninayaa marka horeba u dhaafay qaybta tifaftirkiisa, “23kii Diisambar, wargeyska The Star waxa uu daabacay war cinwaankiisu ahaa, ‘Somaliland oo dabada ka riixaysa in ay dib ula midowdo Soomaaliya kadib, 25 sano oo ay qaybsanaayeen’ Sheekadani waxa ay ahayd xayeysiis lacag laga bixiyey, oo sidaa wargeyska ay ku gashay” ayaa uu wargeysku ku yidhi warkiisan.

Wargeyska oo qoraalkiisan uu isku beeninayo sii wataa waxa uu sheegay in ay u caddaatay in warkaasi uu ahaa mid ay abuurtay cid aanu magacaabin oo uu sheegay in ay is-hayaan xisbiga WADDANI, isaga oo qoraalkiisan shalaykaga hadlaya arrintaas iyo sida uu ku yimid sawirka warkan uu raaciyey marka hore ee ay ka muuqdeen Guddoomiye Cirro iyo Raysalwasaare Sharma’arke waxa uu qoraalkan ku yidhi, “Waxaa imika caddaatay in sheekadaas ay soo alliftay cid ay siyaasadda isku hayaan xisbiga WADDANI, iyo in sawirkaas Cabdiraxmaan iyo Sharma’arke uu ahaa mid la isku-kabay oo laga soo kala qaatay laba sawir oo kala gaar ahaa”

Si uu sawirka isu keen-keenistiisa u sii muujiyana waxa uu wargeysku so sawiray, saddexda sawir ee la isu jarjaray oo kala ahaa, Cirro oo la fadhiya masuuliyiin xisbigiisa ah, mid kale oo ah Sharma’arke oo la kulmay danjiraha dalka Uganda u fadhiya Muqdisho iyo sawirka saddexaad ee isu jarjariddii labadaa sawir laga sameeyey oo ah kan muujinayey Guddoomiye Cirro oo la fadhiya Raysalwasaaraha Soomaaliya.

Waxa kale oo uu wargeysku xusay hadallo uu ka soo xigtay guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo beeninaya warkaas iyo in aanay suurtogal ka ahayn isaga iyo xisbigiisa midna in uu ku wacad furo madaxbannaanida Somaliland oo dadka ka timid, dastuurka qaranka ee xisbiga WADDANI ku dhisan yahayna qirayo.

Murashaxa WADDANI waxa uu wargeyska u sheegay in ay la tahay in cidda warkaa samaysay ay tahay cid fidno abuur ah oo doonaysay in ay wiiqdo qadiyadda aayo-ka-tashi ee dadka Somaliland, “Waxa aanu aaminsanahay in warkaas ay idiin qarisay cid cadow weyn ku ah himilada dadkayga iyo xaqooda aayo-ka-tashi” ayaa uu yidhi guddoomiye Cirro.

Ugu dambayntii warkan uu qoray wargeyska The Star oo uu Geeska Afrika soo akhriyey waxaa lagu xusay tifaftiraha guud ee wargeyska The Star, Charles Kerich oo ka qoomamoonaya sida ay ku dhacday in wargeyskiisu qoro war been ah, isaga oo ballan qaaday in aanay dib u dhici doonin, “Siyaasad adag ayaa aanu ka leenahay kala saarista warka tifaftirkayaga ka timid iyo ka xayeysiiska ah. waxa se’ hab-raacaas aanu mari jirnay khiyaameeyey gacan qarsoon oo aannaan garanayn oo dibadda nagaga timid. Imika tallaabo ayaa aanu qaadnay si aanu u rumayno in aanay dhacdadaas oo kale dib u dhicin”

 

 

Halkani riix si aad warkaasi u akhrisatid