Togdheer: Caruur Miino La Qaraxday, Mid dhintay iyo Gaadhigii Lagu Soo Qaaday dhaawaca Oo Shil Kale Galay

Allaah Haw naxariistee hal Qof ayaa ku dhintay miino la kacday saddex Caruur ah oo walaalo ah kuwaas oo ay labo ka mid ahi dhaawac soo gaadhay.
Miinadan ayaa caruurta kula qaraxday Xero dhaawac oo ku taala meel u dhaxaysa Deegaanadda Habuura iyo sibidhley ee Gobolka Togdheer, halkaas oo fadhiisin u ahayd Ciidamadii SNM.
Gaadhiga Umbulance ka degmada Dhoqoshay oo siday dhaawaca ayaa galay shil , waxaana ay isku dhacaeen gaadhi kale oo xaajiyad ah agagaarka deegaanka Balli-hiile waxaana ka dhashay dhaawaca 6 qof oo kale.
Dhaawacan labada shil ka dhashay oo 8 qof ah ayaa caawa la keenay Cusbitaalka Burco.
May be an image of 1 person and outdoors