Writen by Qaran News |

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegey in wakiiladiisa aysan saxeexin war murtiyeedka dalalka G-7 ee shirka ku lahaa dalka Kanada Jimcihii iyo Sabtidi, kadib markii uu dhibsaday war uu soo saaray reysal wasaaraha Kanada, Justin Trudeau, xilli uu Trump shirka ka soo tagay.

Trump, ayaa Twitter-kiisa ku soo qoray, “waa qof aan daacad aheyn oo aad u liita,” xilli u jawaabayay hadalka Trudeau ee ku saabsan canshuurta cusub ee Mareykanka ee alamuniyamta iyo biraha inay yihiin kuwa aflagaaddo ah.

“Marka loo eego, hadalka beenta ah ee uu ka sheegey Justin shirkiisa jaraa’id iyo xaqiiqda ah in Kanada ay lacago badan dul saareyso beeralleyda Mareykanka, shaqaalaha iyo shirkadaha, waxaan amrey wakiillada Mareykanka inaysan ayidin war murtiyeedka, inagoo eegi doona canshuuraadka gawaadhida ku soo qul qulaya suuqyada Mareykanka!” ayuu Trump yidhi.

Trudeau ayaa soo xidhay Sabtidii shirkii dalalka toddobada ee G7, kaas oo Kanada uga socday laba maalmood.

Dhanka kale, madaxwaynaha Donld Trump ayaa u dhoofay dalka Singapore halkaasi oo lagu wado in uu ka dhaco kulanka isaga iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un.

Kulanka ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo maalinta Salaasada.

Mr. Trump ayaa sheegay in ay tahay hal fursad oo la siinayo heshiis nabadeed oo labada dhinac ay gaadhaan.

Waxa uu intaa ku daray in muddo daqiiqad gudaheed ah uu ku ogaan doono in natiijo ay ka soo baxayso kulanka iyo in kale.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhankeeda diiday fikirka ku saabsan in ay ka talabaxdo hubkeeda niyukleerka iyo gantaalada.

Madaxweyne Trump ayaa balanqaaday In uusan doonayn in uu waqtiga iska lumiyo ama uu ka lumiyo Mr. Kim balse uu wadaxaajoodka rajo wanaagsan ka qabo.

Trump ayaa marar badan shaki galiyay qabsoomida kulanka isaga iyo hogaamiyaha Kuuryada Waqooyi Kim Jong-un.