Nabadda ha la ilaaliyo!

U fiirso: Dadkii dhawaan gardarada loo laayay, iyo kuwa gardarada loo xidhay, iyo kuwa gardarada xiniinyaha loo ga burburiyay, iyo hablaha Gebilay gardarada u gu xaraysan bilaa maxkamadda, iyo kuwa madaarka Hargeysa gardarada loo gu qabsado marka ay dhoofayaan ama soo degayaan, ee uu Cumar-seerbiya u dambeeyay, intuba waa is ku wada reer. Haa, waa is ku wada reer keliya. Intaas oo dhami is ka ma dhicin sida maqaadiirta ee waa wax qorshaysan, oo fikir iyo wakhti ku baxo, ka dib na la fuliyo. Xaqiiqo weeye taasi. Intaasba dad aad u kooban, oo hebel iyo hebel loo yaqaan baa ka taliya. Is la intaas kooban ee aan shegaayo, iyo in kale oo kuwaas u adeegta, ayaa habeen iyo maalin, gabal dhac iyo waaberi, TV kasta iyo idaacad kasta ka dhawaaqaysa, oo leh nabadgelyada ha la ilaaliyo… qarannimada ha la ilaaliyo… sharciga ha la ilaaliyo!

Waxa Qoray:

Maxamed Haaruun Biixi