Writen by Qaran News |

Afhayeenkii Ucid Ee is casilay Mukhtaar Nadaara.

news

Waxaaan doonayaa inaan bulshadda soomaliland Dal iyo Dibadba Taageerayaashadda Qaranjoog iyo Qurbo joogba u Xagiijiyo war beenaa oo aan sal iyo raad toona lahayn oo lagga soo dabo saaray iscasilaadayadii aanu xisbigga ucid kagga tagnay aniga oo ah afhayeenkii ahaana Xoghayihii warfaafinta iyo Gudoomiyihii Garabka dhalinyaradda degmaadda isla markaana oo warkaasi ahaaa in hore xilka nalooga qaaday taasina ay tahay been iyo gal galasho aan bayn oo uu si liidata uga hadlay ninka yidhi waxaan ahay Xoghayaha Goboladda kaas oo soo qoray warqad uu iscasiladda ka dib dhoodhoobay oo uu islahaa kagga gil gilo falaadha miisaameed ee aanu samaynay ,waxaynu leenahay qof waliba wuu qori karaa warqad uu date iyo scan soo saaray oo uu wakhti hore ku qoray.

intaa ka dib waxaanu bulshadda u xaqiijinaynaa inaanu annagu iskaaga tagtay ka dib markii aanu aragnay Xisbigii Ucid oo Kooxyar oo uu Faysal Cali waaraabe hogaaminayo oo ay weliba isku Reer -Qoys hoosa ay yihiin ay isku Duubeen Taladii Tusaalayntii iyo Maamulkii xisbigga isla markaana aan masuuliyiinta kale ee xisbigga u ogalayn waxa aan iyagga shakhsi ahaan raali gelinayn ,taas oo nagu noqotay Qaadanwaa iyo Anfariir .

Isla markaa waxaanu Go,aansanay annaga iyo Xubno hore uga tagay iyo Xubno hadii usii jooga Xeelad Siyaasadeed in aanu Xadhigga u jarno la shaqaynta Xisbigan u duuban Xubno isku reera,waxaana taas nooga makhraatiya caqli ahaan markaad u fekerto xisbi ay 6Xoghaye isku Raasyihiin oo haddanna Xisbi lagu sheegayo.

Kan yar ee Xoghayaha sheegtayna markii uu nagu qancin kari wayaay In aanu sii joogno xisbigga ayuu itaal iyo iska caabin ka dhigtay warqad been abuura. warqadaas oo xilikasta la soo qori karo hadii ay xiligaa xilka nagga qaadeen maxay warbaahinta usoo bandhigiwaayeen.

Dhamaan waxaanu ugu baaqaynaa Xubnaha nala fekerkaa iyo bulshadda nala aragtidaaba in ay fekerkaa sii adkeeyaan ,waxaanu Sii dhiiri gelinaynaa xubnaha aanu fekradaa ka midaysanahay ee xisbigga kusii jira isla markaana ay iyagu u arkaan sxb dhaw inay hawshooda wataan xiligga qorshaysan ee iscasilaadoodanna aanay dhaafin.

waxaaanu xaqiijinaynaa Taageerayaashayadda in aanu soo iclaamindoono maalin aanu isugu imanayno wadda tashi maadama masuuliyiintii Kartidda Lahayd ee Ucid Burao u qaabilsanayd ay badankeedii iscasileen inta kalana soo socoto,laganna tashandoono Xisbigga loogu biirayo si quwad iyo qiimaynleh.

Mukhtaaar Mahamed Jama X .Diiriye (M.Nadaara.)

Afhayeenkii Ahaana Xoghayihii Warfaafinta Xisbigga Ucid Ee Iscasilay.

Xamze Diiriye Ahmed.Gudoomiyihii G.Dhalinyaradda Degmadda Burco Ee Xisbigga Ucid Ee Iscasilay.

ALLA MAHADLE.