Shirka garabka haweenka Heer Qaran oo ay hoggaaminaysay guddoomiye xigeenka garabka haweenka heer qaran ee xisbiga WADDANI Marwo Safiya Cumar Faarax ayaa ka qabsoomay maanta Xarunta Dhexe ee Xisbiga.
Shirka oo ay ka soo qayb galeen guddoomiye xigeenka 2-aad ee Gobolka Maroodijeex Marwo Sahra Cabdi Xasan iyo Marwo Fahmo Maxamed Caynaashe Hoggaanka Caddaaladda ee Garabka Haweenka iyo Marwo Aamina Maxamed Furre Hoggaanka Xidhiidhka Gobollada iyo Degmooyinka ee Garabka haween weynaha Xisbiga iyo masuuliyiin kale waxa lagaga wada hadlay xaaladda siyaasadda ee dalka iyo dardar gelinta go’aanka Xisbiga ee 13 November.
Xisbiga Waddani.