Umad jabaysa waxa la gu gartaa, xalka mashaakilkeeda oo dhow, ayaa hadana dabadiisa la gaadhi waayaa uun! Somaliland manta ayay taasi ka tagantahay. “Waxyi i gu ma soo dego, hadana wax i ma seegaan”, nin baa la ga reebay. Ciridka aan arkaayo ilko ka ma soo jeedaan waatii aan maalin dhexdii ahayd ku maahmaahay, waanay cadatay. Wadahadal qaabkii la ogaa ku socday in aanaay wax micno lehi ka soo baxayn waa cadayd.
Warkii Xisbiyada Somaliland waa la dhegaystay, gardiid iyo Alle diid qofka ahi na maanta waa cadaaday. Runtii xisbiyada in badan baa la gu dhaliilay in ay is ka yeelayaan uun tu kasta oo ay ahayd in aanay yeelin, laakiin maanta ayay dooddoodii u wanaajisay in ay tu walba yeeleen, xal na ka waayeen ninkii ay is hayeen. Xeer iyo xeer jajab ba wuu diiday. Gar iyo guurti ba wuu diiday. Wixii anigu aan doonaayo oo keliya ayaa sax ah, sida aan u doonaayo iyo goorta aan doonaayo ayaana sax ah buu leeyahay. Gardaradiisa iyo dood jabnaantiisu warkii badnaa ee Maxamed Kaahin shalay dareeriyay, ee hadana hal qodob oo qormi kara la ga waayay ayaa astaan u ah. In uu ergadii odayaasha iyo tii labada gudoomiye ba diiday baa astaan u ah. In uu wixii isagu uu shalay diidanaa, ee baarlamaanka waraaqda u gu qoray, uu hadana manta doonaayo ayaa astaan u ah. Nin kibray oo aan la garanayn waxa uu ku kibray ba dunida u meeqaan liita.
Su’aashu waxa ay tahay, maxaa xal ah? Dad badan oo meeraysiga Muuse iyo kuwa raacsan ka daalaay, oo Cali-Guray ka mid yahay baa qaba mawqif ah in Muuse loo ga leexdo Meesha daran ee uu is ku sii maqiiqaayo ha gaadhee. Aniga oo fahmi kara sababta taas keentay, hadana nin is maqiiqaaya hadii tiisa loo raaco, oo halka uu u socdo la la aado, khasaare dhab ah baa ka imanaaya. Oo markaa maxaa la yeelayaa? Saw nin keliyi ma gaadhin heer uu yidhaahdo waxa anigu aan doonaayo oo keliya ayaa sax ah? Runtii waa marxalaad adag, xalku na ma foga hadii loo kaco dhinaca uu yaallo. Muuse Biixi Maxamed Siyaad la tamar iyo la tag toonna ma aha – 95 percent buu ka itaal liittaa. Wiilasha ciidanka ah ee mid weliba qoriga uu sitto uu reerkoodii ka la yimid, wax ba ma u tarayaan. Dababadaha dhawrka ah ee duqoobay, ee Maxamed Siyaad ka tegay, ee jidka ku damayaa waxba ma u tarayaan. Sidaas darteed, awood ma is ku halaynaayo, ma na is ku halayn karo ee ha la ogaado taas. In xisbiyadu dadka abaabulaan, oo shaqadoodii dhabta ahayd u laabtaan baa la ma huraan ah. Dadka aan xisbiyadaas ka mid ahayn ee danta Somaliland ay la weyntahay, oo odayaashii uu Muuse gogosha ku ciideeyay ee soo eryay ay u horeeyaan na, waajib baa la gudboon. Waa in ay geestooda ka kacaan oo bulshada warkooda qaadanaysa abaabulaan. Taas baa manta baajin karta wax ay tahay in si walba loo ga fursado. Markaas ka dib, waa in la ga tashado sidii aanay amar-ku-taaglayntan iyo kibirkan oo kale dib u dhici lahayn.