Writen by Qaran News |

BAAQ NABADEED
URURKA LIIBAAN UK

Ku: Madaxwaynaha iyo Madaxweyne ku Xigeen.
Ku:Golaha sharci dejinta, WAKIILADA IYO GUURTIDA
Ku: Waaxda Cadaalada iyo Gaarsoorka.
Ku: Culuma Udiinka Somailand.
Ku: Madax dhaqameedka Somaliland
Ku: Xisbiyada Mucaaridka ah, kulmiye iyo Ucid.
Ku: Ururada bulshada, iyo ganacsatada
Ku:Saxaafadaha   madaxa banaan iyo  kuwa dawliga ahba

Waxa aanu  halkan  marka hore tacsi uga diraynaa dadkii wax ku noqday mudaharaadkii 12/ 9./2009 ka dhacay caasimada Hargeysa.
Waxaan ilaahay uga baryaynaa in ilaahay  in tii inaga dhimatay samir iyo iimaan inaga siiyo dhamaanteenba, intii dhaawacantayna ilaahay ha shaafiyo.
Anaga oo ah Ururka LIIBAAN UK waxaanu halkan oga diraynaa qofkasta oo jecel Somaliland  una damqanaya in nabada la ilaashado oo waxwalba laga horaysiiyo nabada aya ah tii aynu ku soo caano maalnay.

Bulshada Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa inay  nabadeena inoo ilaaliyan, nabada ayaynu wax ku nahay ee ino ilaaliya hebel ha dhaco iyo hebel ha noolaado dan inooma aha ee danta Somaliland hebel ka weyn ee maanta  beedkaa aan ku fadhino ha inaga burburinina.

Waxaan soo jeedinaynaa hadaanu nahay Ururka  LIIBAAN UK, shacabku inaanay xaabo  ha u noqonin  nimankaa kursiga isku haysta ee dantii Qaranka Somaliland ka hormariyay toodi.
 Maanta waxaa la nooga baahanyahay in aynu isku duubnaano oo aynu  eegno  wadadii qodxaha badnayd ee aynu soo marnay.
Ragow gogoshu waa nabad, waxaan leenahay siyaasiinta ishaysta talo keena ama mucaarad ahaada ama muxaafid ahaadoo Somaliland idiinkay idin eegaysaa,  mindi mindi ka horgee xalmaaha.
Wada hadla howlbaa idiintaala, ciyaalka iyo maatidana haqda kadaaya.  Dhagaxlatuuro iyo mudaharaadna xalmaaha.

Bil Ramadaan baan ku jirnaa ee ilaahay ha loo noqdo.
waxaan  idiin soo gudbinaynaa gabaygan ka hadlayaa marxalada maanta lagu jiro.
 waa Guulaamo iyo  Abwaanka  Faysal Aw Cabdi Canbalaash
Gabaygan ayaa dareen inoogu filan.
Giddigeed adduunyada dhib wuu gaadhi jiray waaye
Way galalafaan xaajadii loo gol leeyahay e
Garyaqanadooday murtida godol ka maalaane
Wax kastoo gur loo wado rag baa gooya xubinteede
Is garwaaqsi baa lagu dayaa laguna gaadhaaye
Is giriifku waa ceeb haddii la isba gooyaaye
Gabantiyo ma gaydada u tudha guuli waa waliye 
Guurti baarlamaan iyo dhamaan golaha waayeelka
Gadh wadeenadeeniyo sarkaal gaadhka lagu meershay
Guluf iyo askari gaadhan oo qori ku gawdhiidha
Gurboobkiyo caruurtiyo haween wada gamboolay ah
Gaashaan qaadka joogiyo dhamaan geeshka iyo ciidan
Inta gudaha joogtiyo kuwaa yurub ka goohaaya
Giddigeenba waa wajib kaa loo gudboonyahay e
Gol daloolo aan dhawrro iyo godob wixii reeba 
Giddigeed aduunyada intuu gaadhay magaceenu
Waa nabad waxaan goorkastaba gole ka sheegnaaye
Waa nabad waxaan guusha iyo libin ku gaadhnaaaye
Waa nabad waxaan laga go’ayn gama’an jiifnaaye
Waa nabad Waxaa lagu goglee loo golyahayeeye
Haddaan galin ku laalaabanoon galino baaruudda 

Gaba gabo.
Ilaahay  ha ina waa fajiyo wadada xaqa ah, dadkeena abaaruhu hayaana ha loo gurmado.

 GUDOOMIYAHA URURKA LIIBAAN,  C/Qaadir  Siciid Aadan.
Xog hayaha. C/RISAAQ AHMED JAMA.
Iyo  dhamaan xubnaha ururka  oo dhan, meel kasta oo ay joogan.